read more »">
Calendar

Madaxweyne Xasan SH Maxamuud oo maanta xariga ka jaray shirkadda Caymiska Takaful Afrika laanteeda Soomaaliya

madaxweynahaMuqdisho(Bartamaha) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray shirkadda Caymiska ee Takaful Afrika laanteeda Soomaaliya, wuxuuna u hambalyeeyey ganacsatada suurto gelisay inay shirkadani Soomaaliya ka howlgasho.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday hay’adaha dhaqaalaha iyo waxbarashada inay xooga saaraan sidii ay usoo saari lahaayeen dhalinyaro aqoontoodu sarayso oo shhhacabka Soomaaliyeed u fidinkara adeegyada nuucan oo kale ah.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka faa,iidaystaan adeega cusub oo ay u keentay shirkadda Caymiska Takaful Afrika oo wax ka taraya dib u dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Munaasabadan waxaa kaloo ka Hadley Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen, Guddoomiye ku Xigeenka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Maryan Cabdullaahi Yuusuf iyo mas’uuliyiin ka tirsan Shirkada Caymiska Takaful, waxayna dhamaantood si diiran usoo dhoweeyeen shirkadda Caymiska Takaful laanteeda Soomaaliya.

Waa markii ugu horaysay ee dalka laga furo adeeg nuucan oo kale ah ka dib burburkii soo gaaray dowladii dhexe ee Soomaaliya.

 

 

Muqdisho Bartamaha

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment:

cccc