Calendar

Masar oo markale gacanta la isula tagay

1185518_617494971604922_306913398_nCiidamada ammaanka iyo Militariga Masar ayaa toogasho ku dilay tobonnaan dad ah oo maanta oo jimco ah isugu soo baxay dalkaas.

Dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa taageersan madaxweynihii xilka laga tuuray Maxamed Mursi, waxayna isugu soo baxeen guud ahaanba magaalooyinka dalkaas, iyagoo cambaaraynaya weerarkii maalin ka hor lagu kala eryay taageerayaasha Mursi oo dhiig badani uu ku daatay.

Boqorka dalka Sucuudiga ayaa ka hadlay arrinka Masar ka taagan wuxuuna taageero u muujiyay militariga gacanta wadankaas ku haya ee uu hogaamiyo wasiirka gaashaandhiga C/fitaax Siisi.

Wadamo badan ayaa ka digay in hadii ay soo socoto dilka loo gaysanayo dadka shacabka ah inay xiriirka u jari doonaan militariga cinqilaabka ku qabsaday waddankaas iyadoo madaxweynaha Maraykanka Barrack Obama uu cambaareeyay xasuuqii ka dhacay maydaanka Raabica Alcadwiya.

Waxaana waddanka Marar uu galay marxaladii ugu xumayd ee taariikhdiisa iyadoo uu qarka uu saaranyahay dagaal sokeeye oo dhexmara Ikhwaan muslimiinka iyo militariga dalkaas mudada dheer ka talinayay.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: