Sunday, March 22, 2015

Maxkamadda danbiyada culus ee Puntland oo 3 ruux oo lagu helay ka mid ahaanshaha Al-shabaab dil ku fulisay

Boosaaso(Bartamaha)  Maxkamadda ciidanak qalabka sida iyo danbiyada Culus ee Puntland ayaa maanta xukuno dil ah ku fulisay rag ay sheegtay in lagu helay kamid ahaanshaha kooxda Al-shabaab kuwaasoo xeer ilaalinta Maxlamaddu ay sheegeen iney qaraxyo iyo falal kale oo dil ah ay ka geysteen gudaha Puntland. Wasiirka amniga Puntland  Xasan Cismaan Alloore oo warbaahinta la […]

rag dil lagu fuliyey

rag dil lagu fuliyeyBoosaaso(Bartamaha)  Maxkamadda ciidanak qalabka sida iyo danbiyada Culus ee Puntland ayaa maanta xukuno dil ah ku fulisay rag ay sheegtay in lagu helay kamid ahaanshaha kooxda Al-shabaab kuwaasoo xeer ilaalinta Maxlamaddu ay sheegeen iney qaraxyo iyo falal kale oo dil ah ay ka geysteen gudaha Puntland.

Wasiirka amniga Puntland  Xasan Cismaan Alloore oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ragga maanta xukunka lagu fuliyey ay ka mid ahaayeen kooxda Alshabaab,wuxuuna ku sheegay magacyada ragga maanta xukunka dilka ah lagu fuliyey 1: Maxamed Cabdi Axmed oo la baxay ” Olol”2: Xaajow Shiikh Nuur Cismaan oo la baxay ” Shiishaan” 3: Ismaaciil Cabdulqaadir Jaamac oo la baxay ” Rabbiile”.

Xasan Cismaan Alloore wasiirka amniga Puntland ayaa sheegay iney wadayaan la dagaalanka kooxda Al-shabaab wuxuuna sheegay iney ka go’an tahay dabar goynta kooxda Al-shabaab ee dhibaatada ka geysata gudaha deegaanada Puntland.

Xasan Cismaan  Alloore wasiirka amniga Puntland ayaa ku goodiyey iney tiirka geynayaan cidii ay ku helaan iney xiriir la leedahay kooxda Al-shabaab,wuxuuna ku celceliyey iney Puntland ka go’an tahay la dagaalanka kooxda Al-shabaab.

Bartamaha

Comments

comments

0 comments

Sign In

Register

Reset Your Password

Email Newsletter

cccc