Calendar

Mudanayaasha baarlamaanka oo cod u qaaday qodobada xeer hoosaadka ee isbedelka lagu sameeyey

Mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa cod u qaaday qaar ka mid ah qodobada xeer hoosaadka baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ay isbedel kusoo sameeyeen gudiga u xilsaaran xeer hoosaadka baarlamaanka.

Fadhiga maanta ee baarlamaanka ayaa waxaa shirgudoominayey afhayeenka baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed SH Cismaan Jawaari,mudanayaasha ayaa cod u qaaday dhowr qodob oo ka mid ah xeer hoosaadka baarlamaanka oo isbedel lagu sameeyey.

Mudanayaasha ayaa qodob qodob ugu codeeyey qodobada la horkeenay xildhibaanada,waxaana ka mid ahaa qodobada la meel mariyey 6,7, iyo 8 ee xeer hoosaadka baarlamaanka  oo dhammaantood isbedel lagu sameeyey.

Mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa isku mari waayey qodobka 9aad ee xeer hoosaadka baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo qeexaya xil waayidda gudoonka baarlamaanka,qodobkaas ayaa markii hore dhigayey iney 3 meelood meel iney cod ka keeni karaan gudoonka baarlamaanka,waxaana qodobkaas lagu bedelay in mudanayaasha baarlamaanka 25% ay cod ka keeni karaan gudoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen.

Gudoomiye Jawaari ayaa cod u qaaday qodobkaas,natiijada ayaa noqotay in 145 xildhibaan ay diidaan,13 xildhibaane ay u codeeyeen halka ay 7 kalane ka aamuseen,qodobkaas ayaa meesha laga saaray maadaama ay xildhibaanadu ku diideen cod aqlabiyad leh.

Gudoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed SH Cismaan Jawaari oo hadal ka jeediyey gabagabada fadhigii baarlamaanka ee maanta ayaa shaaca ka qaaday in 23 qodob oo kale dib loogu dhigtay kulamada soo socda,wuxuuna faray xildhibaanada iney waqti hore maalinta berri ah  xarunta baarlamaanka soo xaadiraan si halkeeda looga sii amba qaado cod u qaadista wax ka bedelka xeer hoosaadka baarlamaanku ku shaqeeyo.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: