Calendar

Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda gobolada Dhexe oo DFS ka dalbaday inay furto shirka maamul usamaynta goboladaas

cadaado3Cadaado(Bartamaha) Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya oo maanta magaalada Cadaado kula hadlay Warbaahinta ayaa ka dalbatay  dowladda Soomaaliya inay shaaciso waqti rasmi ah ee uu furmayo shirka maamul goboleedka loogu samaynayo gobolada Dhexe ee dalka.

Odayaasha ayaa tilmaamay in gudigii ay dowladdu u xilsaartay dhamaynta shirka maamulka loogu dhisayo gobolada Dhexe ee dalka uusan wali soo gaarin magaalada Cadaado oo loo madlanyahay inuu shirku ka furmo.

Waxayna odayaashu xuseen in madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu dadka gobolada Dhexe ka balanqaaday inuu shirku furmi doono 1-da March balse uu dib u dhac ku yimid.

Odayaasha ayaa sheegay in dadkii shirka ka qaybgeli lahaa ay diyaar ku yihiin magaalada Cadaado, waxayna mar kale dowladda ka codsadeen inay furto shirka maamul goboleedka loogu dhisayo gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya.

 

 

Cadaado Bartamaha

 

 

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment:

cccc