Calendar

Q.M oo kordhisay cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea saaran

un amanKulan ay Golaha amaanka ee Q.M ku yeesheen magaalada New York ayaa waxay mudo sanad kale ah ugu dareen waqtiga cuna qabateynta saaran wadamada Soomaaliya iyo Eritrea.

Bayaan ay golaha amaanka ee Q,M soo saareen waxay ku sheegeen in muddo sanad dheeraad ah lagu daray waqtiga ay cuna qabateyn xagga hubka ah ay saarnaanayso Soomaaliya iyo Eritrea waxaana bayaan lagu cambaareeyay hub fara badan oo sharci daro ah oo dawlada Eritrea keentay Soomaaliya bilihii ugu dambeeyay sida bayaanka ku qoran.

Golaha amaanku waxaa uu digniin kulul u jeedisay xukuumadda Asmara oo ay uga digtay inay sii wado hubeynta kooxaha ka dagaalama Soomaaliya iyo Ethiopia  ee Al-Shabab iyo ONLF.

Bayaanka ka soo baxay golaha amniga ee Q,M ayaa lagu sheegay in cuna qabateyntaan waqtigeeda la kordhiyay ee ay Soomaaliya saareen inuu codsaday xog’haya guud ee QM Ban Ki Moon kadib markii gudiga u xil saaran la socoshada cuna qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea ay dhawaan sheegeen in dawlada Eritrea ay dhaqaalo iyo hub fara badan ku bixiso hurinta colada Soomaaliya ka taagaan.

Q,M dhawr jeer oo hore ayay sidaan oo kale u kordhisay cuna qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya oo soo bilaabatay sanadkii 1992,kii kadib markii ay dhacday dawladii dhexe ee wadanku lahaa.

————————————

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: