Calendar

Qaad Bi’iye (Gurxan & Bulxan)

qaadW/Q, Axmed-Assad
MURTISOOR (G&B)
GURXAN:
“Mirqaankaad maqasheen waa
Naf mowtideed la cadaaboo
Mootan oon is ogaynoo
Maqsin foorno la moodoo
Marfash baas lagu sheegoo
Daaqaddii la malaasoo
Albaabkii laga moosoo
dhammac miici galooliyo
Maygaag weyn dhuxushiisa
Markaa laysu dul saaray……”
GURXAN:
“Mijaynoow minna naar
Magane cawdu billaah
Ma waasheen ummadaasi
Waar mallaa ma jiraanba?”
WAA MAXAY MIRQAAN?
“Mirqaan waa naf awoowgeed iyo asuulkeedba la gubay, oo lagu aabudhay qol billaa daaqad ah oo
dhammaci ka holcayso, taasoo lagu cabudhiyay dhawr baakidh oo sigaar ah iyo tennekad bigays ah;
Miriqaankaad maqasheen waa naftaa sirinsirqaysan, ee markay kob ay ka baxdo weydo indhuhu
bannaanka u soo boodaan.” Ayuu ku tiraabay nin reer Somali Galbeed ah oo aanan magaciisa hayn.
Haddaba, murtidan ayaa soo gaadhay Gurxan & Bulxan (G & B) oo sidaad hore ula socoteenba ahaa
laba nin oo aallaaba figradahoodu isku yihiin “Maan Barreey & Maan Billaal”. Haseyeeshee, doorkan
waxay u wada guuxeen murtidan sare ku xusun, waxayna aragtiyo isku dhaw ka muujiyeen
dhibaatooyinka Qaadku keeno ee ay ka mid yihiin: 1) Mirqaan-Raadis, 2) Dhammac-Oogis, 3)
Sigaar-Fuuqis, 4) Shaah-Qalaxsi, 5) Badhgo-Qaylsi, 6) Dubaab-Qaadis, 7) Qaadiraysni, IWM.
GURXAN 1:
Mirqaankaad maqasheen waa
Naf mowtideed la cadaaboo
Mootan oon is ogaynoo
Maqsin foorno la moodoo
Marfash baas lagu sheegoo
Daaqaddii la malaasoo
Albaabkii laga moosoo
dhammac miici galooliyo
Maygaag weyn dhuxushiisa
Markaa laysu dul saaray!
Meeshaa laysku bukhuuree
Miciinkii laga dhaarshay
Bay mirqaan ka dayaane
Maandhe sow lama yaabtid!
BULXAN 1:
Dabkaa naarta la moodo
Marka uu miir dillaacee
Dhididku meel walba daato
Dhex-mushaaxo jidhkoo dhan
Mijin qaad lagu sheegoo
Oday aan sanad maydhan
Oogadiisa maddowga
Uskaga miiddale heerku
Midabaystay korkiisu
Farahiisa millaalmay
Laga maydhin habeeda
Murduufkuu ku xidhaayo
Maydhaxduu ku jiqsiiyee
Ku maroojin yaqaano
Markuu boog xoqanaayo
Malaxdii ka da’aysay
Caleentuu marinaayay
Bay markaa ragga qaadku
Iyagoon ka mishiiqsan
Misna aan wis-wisaynin
Ay sidii wax marraadla
Jilibka ugu mutaanoo
Aan mirqaano dhahaane
Maandhe sow lama yaabtid!
(GUXAN &BULXAN) Hooris!
Mijaynoow minna naar
Magane cawdu billaah
Ma waasheen ummadaasi
Waar mallaa ma jiraanba?
GURXAN 2:
Markay baakidh sigaar ah
Mallow qiiq ka madow leh
Sambabka meello daloosha
Kansar-mowdle horseeda
Oon midhkaa dux lahayn
Ay sidii warshad miigan
Marraaqii la shidaayay
Markab shoolad taagtay
Qiiq mudhaa kaga saari
Aan mirqaano dhahaan
Maandhe sow lama yaabtid?
BULXAN 2:
Markuu shaaha cabayaayo
Madawgiisa bigeyska
Mallihii toban koomboon
Midna aan laga maydhin
Bullooy sheeko macaanto
Uga miisto maraadkuu
Intuu qoorta maroojo
Marba gees is majiiro
Meelaan rooba ka muuqan
Meeshaasaa tus jiraayoo
Mayay baa di’i doonoo
Mirqaankaa illa jiidhee
Bal maleeya yidhaahdo!
Maandhe sow lama yaabtid?
(GUXAN &BULXAN) Hooris!
Mijaynoow minna naar
Magane cawdu billaah
Ma waasheen ummadaasi
Waar mallaa ma jiraanba?
GURXAN 3:
Markuu qaadku dhammaado
Indhaha uu kor majiiro
Ku madiixo callaacal
Anigoo mijin haystaa
Hebel laan iga maagoo
Anna maanan masuugine
Ku maqiiqay caqaar dhan
Badhgo’ baan ahay maante
Mar kalaan bixin doonaa
Adeeroow wax ma haysaa
Eedooy maanta I daymi
Uu dul meero shaxaadtan
Orod meesha ka foof tag
Oday seedo maxaadhle
Amaahdii hore meeday
Errey loogu majiibo
Isagoo ill miskiin leh
Ilko huuro madow leh
Af-qashuushni ka muuqdo
Ardaaguu meehanaabo
Adba maanad la yaabin?
BULXAN 3:
Markuu seexdo habeenkii
Dubaab waa mushkillee
Bisad dhoollaha miiqan
Baa ku baacin midh jiir ah
Naf malay malab weeyee
Isagood murjin moodoo
U maqiiqan si waallan
Midhicirkiyo ubucdiisu
Meesha ay ku kulmaanbu
Ka muquuran caloosha!
Dabba jiir ma muc weynee
Midigtiisu halleeshay
Mirqin dhuuban ahayde
Miskahaa sabarkooday
Ka ruqdaa mullacdeedu
Madaxa qoortiyo laabtiyo
Mudkii oo isku yaalloo
Murguxan baa ku go’aaya
Mana qayshan karraayo
Mana qiil kale keennee
Markuu quuqda guraayo
Ummadii qosol maagto
Quus miyaadan ka joogsan?
SAMATAR: Adeer, aniga waad I ogtihiin oo sidiina tix ma tiriyo, laakiin waxaan idiin sheegayaa arintan
labadiinuba waad asiibteen! Waxaadse ilowdeen qaadka dhibkiisu kuma dhammaado badhgo’a ee
wuxuu ku dhammaadaa Qaadirada. Qaad cunne qaadiro wuu yaqaanaa, Ilka-caddana looga qisoon
maayo! Waxaanse idin xusuusinayaa, Somalidu cadawyo badan bay leedahay, kuwo waa dabiici sida
Abaaraha oo kale, oo iyaga illaahay baa SWT keena; Laakiin 3 Aafo oo 9 Wax Dhimma keena,
dhammaantoodna wax laga qaban karo ayaa Soomaalida dullaystay: 3daa Aafo waxay kala yihiin:

B)

Collaad , T) Qaad, iyo J) Jahli.
Sagaalka wax-dhimma ee ay keenaana waa:
B) Collaadu; dadka, dalka, iyo duunyadaba way dhintaa!
T) Qaadku; maalka, maskaxda, iyo muruqa ayuu dhimmaa!
J) Jahligu; horumarka, hanuunka-Alle, iyo hal-fahanka ayuu dhimmaa !
Haddaba, xalka aafooyinkan sare ku xusani waa sadex heer: Xal-Qarran, Xal-Qoys, iyo Xal-Qof

COLLAADA; Dad baddan baa huriya, sidaadarteed, Qarranka ayaa daminteeda looga fadhiyaa!

QAADKU; Waa Abaarta 2aad ee qarnigan, sidaadarteed, xalkiisa Qofka cunna ayaa looga fadhiyaa!

JAHLIGA; “Aqoon la’aani waa iftiin la’aan”, sidaa darteed, Qoyskaa inay caruurtu waxbarasho u hesho
looga fadhiyaa!

La Soco Dooddaha Dambe ee Gurxan &Bulxan (GB), iyo Erreyga Samatar!
Axmed-Assad, MurtiSoor (G & B)

[email protected]

Comments

comments

Category : Gabayada [ POETRY ], The Story.
« »

Comment: