Calendar

Qarax caawa lagu weeraray Gaari uu leeyahay taliyaha nabad sugidda Jowhar

breakinJowhar(Bartamaha) Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ku waramaya in caawa koox hubaysan ay Bambaano ku weerartay gaari uu lahaa Taliyaha ciidanka nabad sugidda degmada Jowhar.

Wararka aan heleyno ayaa tilmaamayaa in Taliyaha nabad sugidu uusan xiligaa la socon gaarigiisa,qaraxa Bambaano ayaa waxaa ku dhaawacmay nin ka mid ah ilaalada taliyaha iyo dad shacab ah oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa kamid ah Carruur iyo haween waxaana la dhigay Cisbitaalka guud ee degmada Jowhar halkaasoo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo,ciidamada amniga dowladda ayaa maalmihii u danbeeyey degmada Jowhar ka waday baaritaano lagu xaqiijinayo amniga magaalada Jowhar.

 

Bartamaha Jowhar

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment:

cccc