read more »">
Calendar

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Beledweyne

madax-marti_2Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii ismiidaaminta ee maanta ka dhacay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, kaasoo ay ku dhinteen dad fara badan.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa lagu sheegay in qaraxaas uu ahaa mid bahalnimo ah.

“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan shacabkii Soomaaliyeed ee halkaasi ku geeriyooday, waxaana alle uga baryeynaa inuu geeyo Jannadiisa, intii dhaawaca ahna ille bogsiiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay in ujeedada qaraxyada laga leeyahay ay tahay in cabsi lagu geliyo shacabka Soomaaliyeed.

“Ujeedada ay leeyihiin kuwa qaraxan gaystay waa in ay cabsi galiyaan shacabka Soomaaliyeed ee diyaarka u ah in ay ka tashadaan aayahooda, dadka Soomaaliyeedna marna dib uma laaban doonaan” ayuu si kulul u yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxaa uu xusay in todobaadyadii ugu dambeeyay ay wadeen shacabka, waxgaradka iyo qeybaha bulshada gobolka Hiiraan sidii ay uga tashan lahaayeen aayahooda maamul.

Ilaa 15-ruux ayaa ku dhintay qaraxii ismiidaaminta oo maanta ka dhacay Maqaaxi ku dhow Xarunta maamulka Gobolka.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: