Calendar

Ra’isal wasaraha oo hortagaya Baarlamaanka

Sida lagu wado, kulanka ay manta iskugu imaan doonaan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu hortago Ra’isal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Ra’isal wasaaraha oo horgeynaya baarlamaanka, xukuumada cusub ee dhawaan usoo dhisay ayaa la filayaa inuu khudbad u jeediyo.

Khudbada Ra’isal wasaraha ayaa taaban doonta howsha shaqo ee doonayaan iney qabtaan xukuumadiisa cusub ee hada uu codka ansixinta u raadinayo.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah xogheynnada Baarlamaanka oo wareysi siiyay Idaacada Dowlada ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in Ra’isulwasaaraha uu Maanta hortagayo xildhibaannada,  si uu uga hor aqriyo barnaamijka Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay iyo qorshayaasheeda.

Ma cadda inuu ra’isal wasaaraha ku guuleysan doono inuu codka kalsonida u helo xukuumada cusub ee uu soomagacaabay taas oo ka kooban 10-wasiir ayna kazoo horjeedaan xubno badan oo baarlamaanka oo sheegaya iney xukuumadda aysen dhameystirneyn.

 

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: