Calendar

Raisul Wasaare Farmaajo oo Ka Hadlay Dagaalada Maanta Ka Dhacay Muqdisho

farmaajo maantaMuqdisho (RBC) Raisul wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta la hadlay saxaafadda ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaalo maanta ciidamo ka tirsan DKMG iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo xarakada Shabaab.

Raisul wasaare Farmaajo ayaa sheegay inuu isagu xaqiijin karo guul weyn oo wax ku ool ah oo ay maanta gaareen ciidamada DKMG oo kaashanaya kuwa Amisom wuxuuna sheegay in ciidamada aysan dib uga soo laaban doonin.

“Ciidamadeena maanta waxay qaadeen tallaabo muhim ah waxaana xaqiijinayaa in fariisimo muhim u ahaa kooxaha mucaaradka aan ka qabsanay, wasaarada gaashaandhiga, Shirkole iyo warshada Caanaha anaga ayaa hadda gacanta ku hayna”, ayuu yiri raisul wasaaraha oo intaaku daray in goobo kale ay ku talo jiraan ciidamada inay qabsadaan.

“Dagaalada waa siday u bilawdeen wayna soconayaan, maalin kastana waxaan qaadaneynaa tallaabo culus illaa dawlada ay ka shaqeyso dalkana nabad looga soo celiyo”, ayuu sii raaciyey hadalkiisa raisul wasaaraha.

aisul wasaare Farmaajo ayaa beeniyey in xooga dawlada uu yahay Amisom wuxuuna sheegay in DKMG ay heysato ciidan ku filan.

“DKMG waxay heysataa 17,000 askari, Amisom waa 12,000 marka waxaan rabaainaan dadka Soomaaliyeed u sheego in dawlada ay heysato ciidan ku filan oo wax difaaca … yaan dadka lagu jahwareerin dawlad hebla iyo dawlad hebla wax qabsaneysa”, ayuu yiri raisul wasaaraha.

Raisul wasaare Farmaajo ayaa sheegay in saraakiishii waaweyneyd ee Shabaab ay maanta ka carreen Muqdisho ayna firxadkooda gaareen degmada Balcad kadib markii ciidamada dawlada iyokuwa Amisom ay dagaal ku qabsadeen goobo muhim u ahaa sida uu yiri raisul wasaare Farmaajo.

==========================

Source: Raxanreeb.com

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta and tagged , , , .
« »

Comment: