Calendar

R:iisul wasaaraha soomaaliya Pr Abdiweli Mohamed oo kulamo la qaatay mas’uuliyiin kala duwan.

Shirkii Guud ee Qaramada Midoobey ee 66aad oo si rasmi ah uga socda xarunta QM ee New York ayaa saacadihii lasoo dhaafay R:iisul wasaaraha soomaaliya Pr Abdiweli Mohamed Ali ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiin kala duwan ee ka qeyb galaya shirkaasi.

Mas’uuliyiintii uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Qatar  Sheikh Hamad Bin Jassim Bin Jabor Al Thani waxaana Labada mas’uul ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa tageerda gargaarka ee bina aadinimo dalka soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar  ayaa sheegay inay dowladda Qatar diyaar u tahay inay Somalia ka saacido dhanka gar-gaarka bani’aadanimo oo uu sheegay in hay’adihii Qatar ay joogaan Muqdisho.

` Waxuu kaloo sheegay Ra’iisul Wasaaraha in ay Qatar diyaar u tahay inay Dowladda soomaaliya ka gacansiiso arrimaha amniga, dib-u-heshiisiinta iyo  siyaasadda iyo dib u dhiska dalka gar ahaan xafiisyada dowladda.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Pr Abdiweli waxuu kulamo gar gaar  ah la qaatay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Xoghayaha Guud ee Ururka Waddamada Islaamka (OIC) Professor Ekmeleddin . Guddoomiyaha Golaha Amniga iyo Nabadda Ee Midowga Afrika  Ramtane Lamamra, iyo Ku Xigeenka Ban Ki Moon Ee arrimaha Gar-gaarka Bani’aadanimo Marwo Valarie Ann Amos iyo mas’uuliyiin kale

Daawo sawirada kulamada masuulinta

3

2

1xasafisska wararka bartamah muqdisho

Comments

comments

Category : Latest Somali News.
« »

Comment: