Calendar

Sadex Al-Shabab ah oo maanta lagu toogtay Mogadisho

DSC07056Maxkamada Sarre ee Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya ayaa Saaka Xukun Dil ah ku Fulisay Saddex Ruux oo ka tirsanaa Al-shabaab kuwaas oo horey Maxkamadu ay Dil Toogasho ah ugu Xukun tahay.

Dilka Toogashadaa ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta Genaraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho,waxaana Goobjooga ahaa Mas’uuliyiinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Saddexda  Ruux ee Saaka lagu Toogtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku jira Xasan Bastoolad weyne oo ahaa Ninkii Fududeeyey Weerarkii Bishii Ramadaan ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya,halka Labada kale ay yihiin kuwo ku Eedeeysnaa Dilal Dad Rayid ah oo Maxkamada ka hor qirtay.

Maxkamada Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Waayahaan danbe Dardar galisay Toogashada lagu Fulinayo Raga ka tirsan Al-shabaab ee  Dilka lagu Xukumo.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Latest Somali News.
« »

Comment: