Calendar

Salaad roob doon oo muqdisho iyo caalamka melo kala duwan laga dugaday.

roob-doon1

Salaada roobdoonka ah oo maanta laga dugaday qeybo ka mid ah dalka ayaa Allaah looga baryayaa in uu ummadda ka dulqaado abaarta iyo colaadda muda dheer  dalka ka tagan.

Dukashada Salaada roobdoonka ah oo lagu qabtay Masjidka Isbaheeysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta Ugaas Bile, Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Sheekh Maxamed Qeyroow Aaadan,masuulinta laba gole iyo Kumannaan Muslimiin ah .

Saladaan roob doonka ah ayaa sido kale ka qeyb galaya qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku sugann magaalada Muqdisho kuwaasi oo maalmihuii ugu dambeeyay ka cabanayay xaaladaha dhinaca bini’aadanimada.

Sidoo kale waxaa maanta salaada roob doonka laga dugaday qeybo ka mid ah magaalada muqdisho sida fagaaraha tanbuunka iyo qar ka mid ah masajida magaalada muqdisho.

Dhawaan dowlada KMG Soomaliya gar ahaan wasaarada oqaafta iyo arimaha diinta waxay iclaamisay ama ay sheegtay in maanta oo ku beegan  23 Septembar ay umadda ay soo qeyb galaan salaad roob doon oo loga golahaa in Allaah lugu baryo sidii Allaah ugu dul qaadi lahaa Abaarta dalka ka jirta.

Ugu danbeyntii salaadaan roob doonka ah ayaa sabab u ah in maanta laga dugado dalka soomaaliya iyo qeybo ka mid ah dalka iyo dalalka caalamka abaarta ka jirta dalka xili robaadkii di jiray oo siidii la rabay aan dalka ugu di sida roobabka guga iyo deertii intaba

waxaan ay sababtay roob la aantaasi dadka iyo dunyada iney u geryodaan sida xoola dhaqatadii iyo beeraleedii ay si xun u taabato abaarta waxaana durba bilaabatay barakaca dadka .

banan bax rob doon

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: