Calendar

Saraakiil ka tirsan AMISOM oo gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud

amisomkaCadaado(Bartamaha) Saraakiil ka tirsan ciidanka hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud oo dhawaan lagu wado inuu ka furmo shirka maamulka loogu samaynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Saraakiisha AMISOM ee gaaray magaalada cadaado ayaa la sheegay iney qiimaynayaan goobaha ugu habboon ee ciidanka AMISOM ay ka dagayaan magaalada Cadaado si ay u sugaan amniga shirka maamulka loogu samaynayo gobolada dhexe oo ka furmaya magaalada Cadaado.
C/raxmaan Cali Baarleex Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb oo hadal ka jeediyey kulan ay Cadaado ku yeesheen saraakiisha AMISOM iyo qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka ayaa sheegay in magaalada Cadaado ay u diyaar garowday marti galinta shirka lagu dhisayo maamulka gobolada dhexe ee dalka,wuxuna intaa ku daray in ciidanka AMISOM ay ku imaanaya wadatashi iyo rabitaaka bulshada ku dhaqan magaalada Cadaado.
Saraakiisha AMISOM ayaa waxa ay sheegeen iney sida ugu dhaqsaha badan magaalada Cadaado u geynayaan ciidan ilaaliya amniga shirka maamul u samaynta gobolada dhexe oo dhawaan ka furmaya magaalada Cadaado.

Cadaado Bartamaha

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment:

cccc