read more »">
Calendar

Sarkaal ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab oo lagu dilay duqayn diyaaradeed

Drone attack Somali

Baardheere (Bartamaha) Wararka aan ka heleyno deegaanka Abaa Huluul ee u dhexeeya degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere ee gobolada Baay iyo Gedo ayaa ku waramaya in diyaarad dagaal ay duqayn la beegsatay gaari uu saarnaa Aadan Garaar oo ka tirsanaa saraakiisha amniyaadka Al-shabaab.

Aadan Garaar ayaa la tilmaamay inuu ka ambabaxay degmada Diinsoor ee gobolka Baay wuxuuna kusii jeeday degmada Baardheere ee gobolka Gedo,gaarigii uu watay ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu gabi ahaantiisba baaba’ay.

Maleyshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa isku gadaamay goobta weerarka lagula beegsaday sarkaalkan ka tirsan amniyaadka kooxda Al-shabaab,Al-shabaab ayaan dhankooda ka hadal dilka la sheegay in loo geystay mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee kooxda Al-shabaab.

Duqaynta ayaa waxaa la sheegayaa iney fulisay diyaarad dagaal oo la aaminsan yahay iney ahayd nuuca Drones-ka loo yaqaan ee dowladda Maraykanka oo hore duqaymo lagu dilay saraakiil Al-shabaab ah Soomaaliga uga geysatay

 

 

 

 

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment:

cccc