Calendar

Sarkaal ka tirsan Shabab oo lagu Qabtay Nairobi saacado ka hor

al-shabaab baraweBooliska Dalka Kenya ayaa shaaciyay in Garoonka Diyaaraha Ee Joma Kenyata lagu Qabtay Sargaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu Magacaabo Xasan Xanafi Xaaji.

Xasan Xanafi Xaaji ayaa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Nairobia xili uu doonayey in uu ka Dhoofo Garoonka Diyaaradaha  Magaalada Nirobi,iyadoona Wararku ay sheegayaan in Sirdoonka Kenya ay qabteen.

Xasan Xanafi Xaaji ayaa ka mid  ah Saraakiisha Al-shabaab,waxaana uu ahaa Saxuufi u xili ka shaqeynjiray Idaacadii Qur’aanka Kariimka ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana mar danbe uu ku biiray Warbaahinta Al-andulus  ee Afka Al-shabaab  ku hadashay,iyadoona lagu Eedeeyey in uu qeyb weyn ka qaatay Dilalka Wariyaal lagu dilay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: