Calendar

SAWIRO: Howlgalkii Hubkadhigista Axmed daaci ee Degmada Wadajir

Mogadishu (BARTAMAHA) — Howlgalkii maanta ay Ciidamda Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay ka sameeyeen Degmada Wadajir ayaa waxaa looga dan lahaa xaqiijinta in la sugo amaanka magaalada Muqdisho kaas oo ku saleysan qorshaha Dowladda Soomaaliya dajisay oo ahaa in la xakameeyo hubka aan ku jirin gacanta Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada nabadsugida dawlada Soomaaliya ayaa saaka waaberigii weerar ku qaaday guriga uu degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ka degan yahay gudoomiyihii hore degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci).

Weerarka ayaa sida la sheegayo bilawday abaare 4:00 habeenimo ee xalay xilligaasoo ciidamada nabadsugida iyo kuwa AMISOM oo wadajia ay tageen guriga Axmed Daaci ayna amreen inuu soo wareejiyo hub iyo gaadiid dagaal oo Axmed Daaci uu heysto, balse iska horimaad ayaa ka dhex qarxay ilaalada Axmed Daaci iyo ciidanka nabadsugida.

Rasaas xoogan ayaa la maqlayey waxyar kadib markii salaada subax la tukaday, iyadoo dadka ku nool magaalada Muqdisho ay ku waabariisteen dagaal ka socda magaalada oo si aad ah lo maqlayey.

Guriga Axmed Daaci waxaa ku dhow guriga uu degan yahay siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan oo ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii hore ee magaalada Muqdisho iyo guriga uu degan yahay Cumar Finish oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo iyaguna heysta hub.

Illaa hadda saraakiisha amaanka ee dawlada iyo AMISOM kama hadlin hawlgalka ay qaadeen ee ay ku qaadeen guryaha ay degan yihiin ragga siyaasiyiinta ah.

Rasaasta la isweydaarsanayo ayaa soo gaartay lllaa 7;30 subaxnimo, xilligaaso la sheegay in ciidamada dawlada ee amaanka iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen dhamaan xaafadaha lagu dagaalamay.

Daawo Sawirada

mogadishu disarmamanent 00 mogadishu disarmamanent 1 mogadishu disarmamanent 2 mogadishu disarmamanent 3 mogadishu disarmamanent 4 mogadishu disarmamanent 5 mogadishu disarmamanent 6 mogadishu disarmamanent 7 mogadishu disarmamanent 8Bartamaha Online

 

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Photos.
« »

Comment: