Calendar

Sawirro: Alshabaab oo dhoolatus military ku soo bandhigtay degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa dhoolatus milateri ku soo bandhigay degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, iyadoo dhoolatuskan ay ka qeyb qaateen gaadiid dagaal iyo mootooyin.

Xoogaga Shabaab ee soo bandhigay dhoolatuskan ayaa watay boorar ay ku qornaayeen Erayo English ah oo ahaa fariimo ku socday dalka Kenya.

Gaadiidka dagaalka iyo mootooyinka ka qeyb qaatay dhoolatuskan ayaa ku soo wareegay xaafadaha magaalada Buulo Burde iyo wadada dheer ee laamiga, waxaana ka soo qeyb galay oo daawanayay dadweynaha reer Buulo Burde.

Halku dhigyada ayaa ku qornaa in Kenya laga aar-gudan doono muslimiinta ay leysay, iyadoo mid ka mid ah boorarka uu ku qornaa weerarkii Westgate inuu hada bilow yahay.

Xarakada Al-Shabaab ayaa 21-kii bishii hore sheegatay weerarkii ka dhacay xarunta Ganacsiga Westgate, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 67-ruux.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: