Calendar

SAWIRRO: Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Arimaha Dibadda Talyaaniga

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa wuxuu ku qaabilay wafdi ka socday dowlada dowlada Talyaaniga.

Kulankooda kadib ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka arimaha dibada Talyaaniga Giulio Maria Terzi wax ay si wadajir ah ula hadleen saxaafada iyaga oo ka warbixiyay waxyaabahihi ay ka wada hadleen intii uu kulankooda socday.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo hadal kooban jeediyay ayaa xusay in wafdigaani uu biloow wanaagsan u yahay xiriirka Dowladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga kadib ka gudubkii Xilliga KMG ahaa.

Giulio Maria Terzi wasiirka arimaha Dibada Dalka talyaaniga oo dhankiisa saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyay ujeedka socdaalkiisa maanta uu ku yimid Magaalada Muqdisho.

[slidepress gallery='madaxweynaha-soomaaliya']

Wuxuu sheegay in socdaalkiisa maanta uu yahay in Madaxweynaha dalka Soomaaliya uu ugu hamblayeeyo ka gudbida Xiliiga KMG ah iyo isbedelka dhanka hogaanka ee dalka Soomaaliya isaga oo sheegay inuu adkeyn doono xiriirka Soomaaliya Iyo Talyaaniga.

Sidoo kale waxaa jiray kulan kale uu madaxweynaha Soomaaliya la qaatay xubno kale oo ka socday wadamada daneeya arimaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay ka wada hadleen arimo badan oo ay ka mid ahaayeen sdiii loo taageeri lahaa dowlada Soomaaliya.

 

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: