Calendar

Sawirro: Qarax Geystay Khasaare Xoogaan oo ka dhacay Jidka U Dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye

qaraxa sept 8

Muqdisho (BARTAMAHA) Qarax geystay khasaare xoogan oo ahaa mid Ismiidaamin ah ayaa ka dhacay maanta wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye,waxaana la sheegayaa in meesha qaraxu ka dhacay u dhowdahay deegaanka Xaawo Cabdi.

Bartilmaadeedka qaraxa ayaa ahaa Gawaari kolanyo ah oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo xiligaas marayey wadada sida ay Raxanreeb Online u sheegeen dad ka agdhowaa goobta qaraxa xoogan uu ka dhacay.

Ugu yaraan 20-qof dad gaaraya ayaa la xaqiijiyey in qaraxa ku nafwaayeen halka dad ka badan Sodomeeyo kale uu dhaawac kasoo gaaray qaraxaas,dadka ugu badan ayaa ku basbeelay gaari nooca loo yaqaan Caasiga oo ay saarnaayeen kaas oo kusii jeeday magaaladda Muqdisho.

Askar ka socotay Ciidamada AMISOM ee marayey goobta ayaa sida dad goobjoogayaal ah u sheegeen waxa burbur aan xooganeyn kasoo gaaray gaari nooca qufulan aysan xabaduhu karin iyo Saddex kamid ah Ciidamadooda oo dhaawac soo gaaray.

Mid kamid ah Gabdhaha ay dhashay Dr Xaawo Cabdi oo la yiraahdo Dr Aamino oo Indhaheeda kusoo aragtay dadka dhibaatadu gaartay ayaa sheegtay in aragtay dad wada gubtay isla markaana aysan jirin dad ka badbaaday gaarigii shacabka ahaa ee qaraxu haleelay.

Duniya Maxamed Cali oo ah iyadu Madaxa Caafimaadka ee Isbitaalka MADIINA ayaa sheegtay in Isbitaalkooda lasoo gaarsiiyey dad dhaawac ah oo gaaraya dhowr iyo labaatan si aad ah u wada gubtay balse dhaawacyadu yihiin kuwa halis ah.

Laamaha ammaanka ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya weli kama aysan hadlin qaraxa Xoogan ee dadka badan dhibaatadu kasoo gaartay,waxaana weli la aqoon Askarta sida rasmiga ah uga dhaawacntay ama ka dhimatay Ciidanka AMISOM.

Gaariga dadka badan ku dhinteen ee Baska ah ayaa sida la sheegayo ka yimid deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose isla markaana uu ku socday magaaladda Muqdisho ee xarunta gobolka Banaadir.

Qaraxii Ismiidaamin sept 8 11 Qaraxii Ismiidaamin sept 8 12 Qaraxii Ismiidaamin sept 8 8 Qaraxii Ismiidaamin sept 8 7 Qaraxii Ismiidaamin sept 8 9 Qaraxii Ismiidaamin sept 8 10 Qaraxii Ismiidaamin sept 8 6 Qaraxii Ismiidaamin sept 8 5 Qaraxii Ismiidaamin sept 8 4 Qaraxii Ismiidaamin sept 8 3 Qaraxii Ismiidaamin sept 8 1 Qaraxii Ismiidaamin sept 8 2

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: