Calendar

Shabaab oo Xalay ka Baxay Beledxaawo Kadib Markii Ciidamo Ethiopian ay Kaabiga u soo Fariisteen

SOMALIABeledxaawo (RBC) Wararka ka imaanaya degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xiisad colaadeed ay ka taagan tahay gudaha degmadaasi kadib markii deegaanka Suufka oo u dhexeeya magaalooyinka Doolow iyo Beledxaawo ay soo fariisteen ciidamo farabadan oo Ethiopian ah.

Warar aan ka helnay dad ku sugan gudaha Beledxaawo ayaa sheegaya in xalay degmada ay isaga bexeen ciidamii xarakada Shabaab oo gacanta ku hayey magaalada kuwaasoo u dhaqaaqay dhinaca Doolow si ay uga hortagaan weerar ay sheegeen inuu dhinaca Doolow uga imaanayo.

Ciidamada Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ayaa xalay waxay ku hoyden meel ka baxsan magaalada Beledxaawo iyadoo xiisada iyo marnaanshiyaha magaalada si weyn looga dareemay.

Qof goobjooge ah oo ku sugan Beledxaawo ayaa u xaqiijiyey RBC Radio in magaalada laga dareemayo kacsanaan iyadoo badi xoogagii Shabaabkana ay baneeyeen magaalada, taasoo dadka deegaanka ku abuurtay cabsi in dagaal ku soo fool leeyahay.

Ilo Wareedyo aan ka helnay dhinaca Doolow ayaa ku waramaya in ay halkaasi kasoo dhaqaaqeen ciidamo Ethiopian ah oo ay wehliyan ciidamo ka tirsan DKMG oo ay hogaaminayaan Col. Barre Hiiraale iyo Ibraahim Kiisbuur oo labada ka tirsan barlamanka DKMG Soomaaliya.

Saraakiisha Shabaab ayaa xalay ka bilaabay gudah Beledxaawo inay dadka ugu baaqaan inay dagaalka ka qeybqaataan maadaama uu duulaan ku soo wajahan yahay. Waxaana deegaanka ka taagan illaa manta xiisad culus.

Lama oga halka xaalada ku dambeyn doonto hase yeeshee waxaa si aad ah looga cabsi qabaa in dagaal uu ka qarxo inta u dhexeysa Doolow iyo Beledxaawo.

Dadka rayidka ee ku sugan Beledxaawo aya qaarkod manta bilaabay inay ka qaxaan magaalada iyagoo ka cabsi qaba in dagaalka uu saameyn ku yeesho.

=================

Source: Raxanreeb.com

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta and tagged , , .
« »

Comment: