Calendar

Shiikh Maxamed Aw-Libaax oo ka digay khilaafka Ahlusunnada Cabudwaaq soo dhexglay inuu noqdo mid dagaal.

awlibaax-1-150x1502

Shiikh Maxamed Yusuf aw-Libaax oo ah Hogaamiyaha Ahlusunnada Koonfureed  ayaa maanta mar uu saxaafada la hadlayey soo hadal qaaday khilaafka kasoo cusboonaaday deegaanada gobolada dhexe oo ay ahlusuno ka taliso.

Shiikh Aw-Libaax ayaa sheegay inuu khilaafkaasi yahay mid yimid xili aan oo baahney isla markaana uu ugu baaqayo  saaxiibadiisa gobolada dhexe inay ku xaliyaan wixii khilaaf ah wada hadal,isagoona ka digay inuu khilaafkaasi sababo dagaal ka dhex qarxa Culumada Ahlusunna iyo qabaa’ilada halkaasi wada dega.

Waxaa uu si  gaar ah uu carabka ugu balaariyey  Maamulada iska feer-sameeyey ee magaallada Cabudwaaq ka jira,isagoona sheegay inuu xirir la sameeyey maamulka Ahlusunna una sheegay in laga war-wareegto wixii keeni kara dagaal sokeeye oo dhexmara iska culumadii shalay isla socotay.

Hogaamiyaha Koonfurta Somaliya ee Ahlusunna Waljameeca Shiikh Maxamed Yusuf Aw-Libaax ayaa ciidanka Ahlusunna ee gobolada dhexe ku amaanay difaaca iyo dagaalada ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab ee mudada dagaalka kula jirtay.

Hogaamiyan dhinaca Diinta ee ka taliya Ahlusunada ka dagaalanta Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa waxa uu noqonayaa mas’uulkii ugu horeeyey oo ka hadlay kana digay khilaadka Maamulka Gobolada dhexe soo kala dhexgalay,balse waxaana uusan dhinac u jeedin aad ku aadan khilaafka iyo cida dhalisay.

Sidoo kale Waxaa lagu wadaa inuu Shiikh Maxamed Yusuf Aw-libaax  socdaal ku yimaado todobaadkan caasimada Dalka Denmark,halkaasi oo lagu wado inuu ka dhaco shir weyne looga hadli doono arimaha Somaliya,iyaddoo uu horey uga qeyb galay shirkii Muqdisho dhawaan loogu qabtay garabyada isku haya siyaasada Somaliya.

Hashim Mustaf Aadan.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: