read more »">
Calendar

Shir Soomaaliya iyo qaar kamid ah wadamada gobolku ka qaybgalayaan oo Mombasa ka furmay

DSC_0352Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya, madaxda hawlgalka midowga afrika ee AMISOM iyo wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa ka wada hadlaya sida ugu habboon ee la isu dhaafsan karo macluumaadka lagu helo sirdoonka.

Shir ka furmay Mombasa oo saddex maalmood socon doonaa ayaa lagu falanqayn doonaa in si fudud macluumaadka ay u wadaagaan ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha ammaanka ee gobolka iyo guud ahaanba qaarada afrika.

Ka qaybgalayaasha shirka ayaa ah ergo ka kala socota wadamada Ethiopia, South Sudan, Mali, Chad, IGAD, midowga afrika , xarunta cilmi-baarista ee barashada argagixisada (ACRST) iyo xarunta sirdoonka iyo ammaanka ee qaarada afrika (CISSA).

Ergayga midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Saalax Annadif oo hadal u jeediyay kasoo qaybgalayaasha shirkan ayaa sheegay in argagixisadu aysan xuduud celisaa jirin sidaa darteedna loo baahanyahay in la isku xiro dadaalka lagula dagaallamayo.

“Kadib markii ay soo gaareen hantaaqooyin badan Alshabaab haatan waxay u wareegtay qaab cusub oo dagaal, sida ugu habboon ee lagula dagaallami karaana waa in la soo aruuriyaa macluumaadka sirdoonka, waxaanan hubaa in kulankaani uu idinka caawin doono helitaanka qaababka ugu habboon ee loo soo aruurin karo macluumaadka sirdoonka loona wadaagi karo” ayuu yiri Annadif.

Shirkan ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aamo wax ku ool ah oo wax looga qabanayo xaalada ammaanka ee Soomaaliya oo ay soo wajaheen dhibaatooyin imaanaya argagixisada, isla markaana lagu diyaarinayo wanaajinta ilaha sirdoonka, wadaagidda macluumaadka sirdoonka iyo sidoo kale sare u qaadida aqoonta hay’adaha sirdoonka iyo ammaanka Soomaaliya sida ayBartamaha u sheegeen saraakiil ka socota dawlada Soomaaliya oo shirkaas ka qaybgashay.

DSC_0273
DSC_0300
DSC_0307

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: