Calendar

Shirweynihi Ahlusunna Waljameeca oo Bari ka furmanaya Magalada Cabudwaaq ee Bartamaha Somalia.

ahlu-suna-logo-620x330Waxaa malinta Bari ah ka furmanaya magalada Cabudwaaq ee Bartamaha Somalia Shirweynihi Guud ee Culumada Ahlusunna Waljameeca qaas oo qaban qaabadisu ay socotay inka badan labo bilood.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qaybgalaya Wuufud kala duwan oo ka kala timid 5 qaradood ee Adunku ka koobanyahay.

Kulankan aad ka u baraan ayaa waxaa loga hadli doona qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Xalinta Khilaafaadka yar yar ee ku kala dhex jira Maamulada Ahlusunna ee Gobolada Dalka Somalia Waxaa sido kale lagu dhisaya Maamul Guud oo ay yeshaan Culumada Ahlusunna ee Wadanka Somalia sido kale waxaa loga hadlaya sidi Guud Ahan dalka Somaliya loga sifeyn laha Kooxaha Nabadiidka ah ee Alshabaab iyo qodobo kale oo badan.

Shirkaan ayaa waxaa u noqonaya Shirki ugu weyna ee ay yeshaan Culumada Ahlusunna Waljameeca ee Dalka Somalia inta la xasuusanyahay ayado Ergada ka qaybgalaysa lagu qiyasay ila 500 oo qof oo ka kala imanaya Qaradaha Africa Asia America Yurup.

Wufudi ugu danbeysay ee ka qaybgalaysa Shirka ayaa manta la sugaya in ay soo garaan Magalada Cabudwaaq.

Amanka guud ee magalada Cabudwaaq ayaa aad lo adkeyay ayado aad wadoyinka magalada ad ku arkayso Ciidamado Sidi Dareyska tuutaha oo isku wada nuuc ah aad na u qalabeysan .

Goobta Shirka uu ka dhacayo Waxaa ku sugaan Ciidamo Gaar ah oo lagu talagalay Sugida Amanka Xarunta u Shirku ka dhacaayo waxaay ku hubeysanyihiin Qalab Casri ah oo meel fog ka sheegay dhamaan Hubka iyo Walxaha qarxa.

Muqaalka guud ee Magalada Cabudwaaq ayaa in badan sidi hore ka badalan waxaa magalada aad ku arkaysa Saxmad Badan iyo wajiyo badan oo ku Cusub Magalada waxaa aad magalada u dhex maraya Gawarida raxada oo waada qar ka mid ah Wufudi ka timid Qurbaha waxaa sido kale mashquul ah Hotelada Wax laga Cuno iyo kuwa jiifka .

——————————————–

Mowliid Cabdiqadir

www.Bartamaha.com

Cabudwaaq- Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: