Calendar

Sirdoonka Norway oo sheegay inay isku dayeen inay waaniyaan Cabdi Xassan Dhuxulow

article-2474656-18D512DE00000578-118_306x513Sirdoonka Norway ayaa sheegay in dhowr jeer ay isku dayeen inay ku qanciyaan Xasan Cabdi Dhuxulow oo la tuhunsan yahay inuu ka mid ahaa ragii bishii hore weeraray Xarunta Ganacsiga Westgate inay ka soo leexiyaan inuu ku biiro kooxaha jihaad doonka ah.

Madaxda Sirdoonka Norway ee loo soo gaabiyo PST Haweeneyda lagu magacaabo Marie Benedicte ayaa sheegayn in dhowr jeer ay la kulmeen Xasan Cabdi Dhuxulow.

Haweeneyda ayaa sheegtay inay waaniyeen Xasan, si ay uga joojiyaan inuu ku biiro Islaamiyiinta, iyadoo wali Sirdoonka Norway uu wado baaritaanka la xiriira inuu ka qeyb qaatay weerarkii Westgat.

Xasan Cabdi Dhuxulow ayaa isaga iyo qoyskiisa qaxooti ahaan u tageen Norway sanadkii 1999, hase ahaatee 2009-kii ayuu ka soo tagay, oo uu Soomaaliya yimid si uu uga bar bar dagaalamo Al-Shabaab.

Dhuxulow oo 23 sano jir ah, iyo rag kale ayaa loogu shakisan yahay inay gaysteen weerar afar maalmood socday oo lagu qaaday xarunta ganacsi ee Wetsgate ee Nairobi.
Al-Shabaab ayaa sheegay inuu ka dambeeyay weerarkii Westgate oo ay ku dhinteen ilaa 67-ruux

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: