read more »">
Calendar

Soomaali ganacsato oo lagu laayay waddanka koonfur afrika ah

images (1)Ugu yaraan labo nin oo Soomaali ah ayaa lagu dilay weeraro habaynkii xalay ahaa lagu qaaday.

Raggan ayaa mid kamid ah lagu dilay goob ganacsi oo uu ku lahaa magaalada Cape Town oo kamid ah magaalooyinka waawayn ee waddankaasi koonfur afrika.

Waxaana dad goob joogayaal ay sheegeen in ninkaani uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaastii lagu furay xilli uu ku jitay isbitaal ku yaalla magaalada Cape Town.

Ganacsadaha kale ayaa isna lagu dilay magaalo kale oo la yiraahdo Rustenberg.

Waxaana dalkaasi koonfur afrika ka soconaya weeraro aan kala go’ lahayn oo lagu hayo ganacsata Soomaalida ah kuwaasoo ay gaystaan burcad u dhashay dalkaas.

Weeraradan ayaa muujinaya in ballanqaadyadii dawlada waddankaasi ay ku sheegtay inay ilaalin doonto Soomaalida iyo ajnabiga kale ee la weeraro inaysan waxba ka hirgalin maadaama ay sii socdaan weeraradu oo aysan jirin cid loo soo xiray.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: