read more »">
Calendar

Soomaaliya oo loogu deegay $300m [SAWIRO]

Shirka caalamiga ee dhacay London oo arimaha Soomaaliya looga hadlayay ayaa soo gaba-gaboobay iyadoona loogu deegay dowladda federalka lacag kor u dhaafayso 300 Million oo Dollar, si dib loogu taago nabadgalyadda, cadaaladda iyo dib u dhiska hay’adaha dhaqalaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’isal wasaarah Ingiriiska David Cameroon ayaa wada marti galiyay shir maalinle ahaa oo wadamo iyo hay’ado caalami ah ay kasoo qeyb galeen si loo taagero dib u dhiska Soomaaliya.

“Waxa nala siiyay jaanis, waxana u cadeyn doonaa caalamka inaan ka faa’ideysan doono” ayuu yiri Xasan Sheekh. “Ma awoodno inaan lumino fursadan kale ee dahabi ah, waxana rajeynaynaa in caalamka ay nagu taageri doonto, aduunkane balankeeda kasoo bixi doonto dhawaan”.

Ra’isal wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa soo dhaweyay deeqaha lagu sameyay shirka isagoona kasoo qeyb galayaasha u sheegay in “Tilaabo muhiim ah” la qaaday oo lagu taagerayo madaxweynaha Soomaaliya iyo qorshayaashiisa mudada dheer ee xasiloonida iyo is xisaabinta.

Mareykan-ka waxa uu sheegay inuu ku deeqayo $40-million oo kale oo gargaarka Soomaaliya ugu talagaley ah, halka Britain ay sheegtey iney bixinayso $54million oo lagu taagerayo xasiloonida oo ku jirto $15.5 million oo muddo 2-sano ee soo socoto lagu taagerayo in ciidamada dowladda Soomaaliya ay tagaan banaanka Muqdisho iyo $2.3 Million oo looga hortago burcad badeeda.

Midowga Yurub ayaa ku deeqay $57.6 million oo hay’adaha cadaaladda iyo booliska lagu taagerayo iyadoona $225 million oo kale ay UK ugu talagashey in Soomaaliya ay uga hortagto macluulo kale oo dhaca.

“Muddo 20-sano oo dhiig iyo baahi mida ugu daran ee caalamka, waxa rajeynaynaa Soomaaliya oo nool” ayuu yiri Cameron. “Hadda, waa xilligii aan muujin laheen rajadeena dadka Soomaaliya, taas ayaana ah midda ay u nool yihiin oo sugayaan, waana inaan dhulka aan dhigin”.

“Is-badaladaan kaliya u gaar uma aha Soomaaliya. Markii maskaxda dhalinyaradda yaryar ee xagjireyay, ayna noqotey iney argagixiso iyo dad mayal adag u kala gudbiyaan dunida oo ku jirto dad ku nool halkan Britain, way na wada sameynaysaa”.

Dowladda Soomaaliya, shirkaan taagero badan ayay kala hoyanaysaa maadama lagu taageray qorshayaasheeda ay ku doonayso iney dalka dib ugu xaliso oo ku jiraan xasiloonida, cadaaladda iyo dib u dhiska hay’adaha dhaqaalaha.

SAWIRO

Comments

comments

Category : London Conference Coverage, Wararka Maanta.
« »

Comment: