Calendar

Universal TV oo xalay bilowday Barnaamij loo bixiyey “Kulanka Garyare” kaasi oo Todobaadle ah ( DAAWO Barnaamijka) admin | Mar 15, 2012 | 2 comments

Kulanka Abdiweli Garyare

Barnaamijkan loo bixiyey KULANKA GARYARE ayaa  soosaare ka ah wariyaha Soomaaliyeed ee Abdiweli Ibrahim Garyare kaasi oo waxbadan ku jiray howlaha warbaahinta soomaalida.Waxaa uu wariyaha bilowga barnaamijkiisa ku sheegay inuu noqon doono mid la daawan karo todobaadkiiba mar,lagana daawan doono tvga caalamiga ah ee Universal TV.

Barnaamijkan oo qaabka loo sameeyey uu ka duwan yahay kuwa ka baxa tv-yadda soomaalida ayaa waxaa uu yahay laba qeybood oo la isku daray,qeybta hore waxa uu  soosaaraha barnaamijka ku sheegay inuu ku wareysan dooni shaqsiga todobaadkaasi ee ka hadlaya  warbixinta lagu soo qaadanayo barnaamijkaasi. iyaddoo sidoo kale qofkaasi loo eegi doono inuu yahay shaqsi ehel u ah ka hadlida  arrinta lagu gorfeynayo barnaamijka todobaadkaasi.

Qeybta labaad ee Barnaamijka waxaa uu yahay mid loogu talagalay tartan dhexmaraya dhalinyarada soomaaliyeed ee ku nool qurbaha. Tartankan waxaa hadalka iyo su’aalaha u qeybinayo Bob Lagas oo ah nin u dhashay Dalka Holland laakiin si xeeldheer u bartay aqoonta afka soomaaliga. Taasi oo ku riixday Bob inuu dhalinta  lumiyey afkooda dib ugu baraarujiyo inaysan luqadooda sii deyn.

Marka aad si fiican u daawato barnaamijka waxaa kusoo baxeysa in fikir wanaagsan oo loo baahnaa uu yahay sii wadida barnaamijkan,iyaddoo barnaamijkan kulminayo dhalinta oo ku xirmeysa qeybta tartanka, halka dadka waa weyn ee xiiseynaya xogta arrimaha bulshada ama siyaasada ay  ku xirmi garaan qeybta Garyare ee wareysiga todobaadka.

TV-yadda soomaalida ayaa inta badan waxaa laga soo daayaa barnaamijyo magac un huwan balse ay adegtahay inuu soo gudbiyo waxtarka iyo toosinta bulshada Soomaaliyeed. Laakiin barnaamijka KULANKA GARYARE ayaa  wadadii hore ee waxtar la’aanta soomaalida ka leexday,waxaana uu la soo shir tagay barnaamij aqoon kororsi iyo xogta bulshada kulansaday.

Dhamaan akhristayaasha ku xiran shabakadda www.Bartamaha.com  waxaa idin balanqaadi doonaa haddii uu idin seego barnaamijkan xilliga uu ka baxayo Universal TV waxaan idin soo kusoo gudbin doonaa halkan. Taasina waxaan uga dan leenahay inaysan bulshadeena marna uusan dhaafin barnaamijyadda faa’iidada u ah.

Anaga oo ku hadleyna afka saxaafadda Soomaalida waxaan leenahay Bob Lagas  Hambalyo,mana ilaawi doono dadaalkaaga barnaamijka lagu soo nooleeynayo afkeena hooyo ee dhalinta qurbaha.

HALKAN KA DAAWO BARNAAMIJKA ” KULANKA GARYARE”

http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=LqxqdQqUeik

Cali Dahir  Ciid.

Delft,Netherlands.


Comments

comments

Category : Madadaalo | Entertainment, Wararka Maanta.
« »

Comment: