Calendar

VIDEO: Nin Faransiis Ah Oo Gacanta Ugu Jira Al-Shabaab oo Codsi U Dirsaday M’weyne Francois Hollande

Nin Faransiis ah oo ka tirsan hey’addaha sirdoonka dalkaas oo lagu heesto Soomaaliya ayaa codsi u diray madaxweynaha Faransiiska, si loo sii daayo.

Ninkan oo lagu magacaabo Denis Allex ayaa ugu baaqay madaxweyne Francois Hollande in la xaajoodo kooxda Al-Shabaab ee isaga gacanta ku heysa si u helo xoriyadiisa.

Wuxu yiri  ”Madaxweynahaygow wali waa noolahay, laakin ma hubo inta aan ay noqeneyso?” Denis Allex ayaa ku sheegay warkaas cajalad muuqaal ah ay soo dhigeen Internet-ka  Al-Shabaab oo in ka badan seddax sano gacanta ku heysa.

Wuxuu intaas sii raaciyay “Nolasheyda adiga ayey kugu xiran tahay, haddii aadna sameen wada xaajood la igu sii deynayo, waxa aan ka cabsi qabaa in fariintan ay tahay tii iigu dameesay ee aad iga hesho, Nolasheeda adiga ayey kugu xiran tahay.”

Cajalada oo socotay afar daqiiq, waxa ka muuqatay Mr. Allex in uu caafimad qabo, balse wal wal iyo murug ayaa ku dahaarneed wajigiisa, sidaas waxa kaloo sheegtay xarun Website oo la socota dhaqdhaqaaqa kooxaha xagjirka oo Mareykanka ku taalla.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: