Calendar

Walaal Ilaahay Dartiis u Caawiye Cunugaan Dhiban Waa ilmihiina oo kale (Sawiro)

DSC05863Muqtaar Maxamuud Macalin Cumar waa wiil aad yar oo dhibane ah waxa uuna xiligaan la ildaranya xanuun haaya oo uu la dhashay.

Dhibane Muqtaar Maxamuud Macalin Cumar dhibaatada heesata ayaa waxa ay tahay kaydi Haystiisa oo gabi ahaanba banaanka ka taal, waxaana xanuunkaan uu yahay mid uu ku dhashay.

Dhibane Mutaar waa wiil aad u yar waxa uu dhashay 11/06/2011 waxa uuna ku dhashay degmada Madiina ee magaalada Muqdisho waxaana dhalay qoys danyar oo aanan xiligaan aanan awoodin kaalmo caafimaad oo badan.

Maxamuud Macalin Cumar oo ah aabaha dhalay wiilkaan yare ee xanuunsan ayaa sheegay in wiilkiisa uu jiro in ka yar mudo Labo Bilood ah.

Waxa uu sheegay Aabaha in cunugaan yar dalka gudihiisa waxlooga qaban waayay, waxa uuna sheegay in Dhaqaatiirta Muqdisho ay u sheegeen in wiilkaan yar uu u baahanyahay gar gaar caafimaad oo dalka dibadiisa ah.

Waxa uu sheegay Aabe Muqtaar in xiligaan aysan u awoodin in ay dalka dibadiisa u qaadaan, waxa uuna sheegay dadka Soomaaliyeed ay xiligaan uu ka codsanayo in ay u qabtaan wixii ay u awoodaan.

Hadaba Dadka Soomaaliyeed oo wax u qaban kara dhibanahaan yar waxa ay la soocariiri karaan Ama Tel. 0615512266 oo laga helo Sahro Adan Barkan Ama 0615333044 Muxudiin C/rixmaan Maxamed.

DSC05860

DSC05863

DSC05861

DSC05859

DSC05858

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: