Calendar

War bixin ay soo saareen kooxda caalamiga ee u olaleysaa Nabadda ayaa lagu sheegay Soomaaliya in ay ugu horreyso wadamadda ugu nabad galyadda daran Africa.

sonewzzwww.Bartamaha.com):- War bixin sanadla ah oo ay soo saarto kooxda Global Peace Initiative ayaa lagu sheegay  Soomaaliya, Sudan iyo Kongo ay ugu horreeyaan wadamadda ugu nabad galyadda daran Africa.

Warbixita oo laga sameeyay ilaa 150-wadan ayaa lagu sheegay wadamadda Ghana, Botswana, iyo Malawi in ay ugu horreeyaan wadamada ugu nabad galyadda badan Africa.

Sida laga soo xigtay warbixinta wadamadda Iceland, New Zealand, Japan, Denmark, Czech Republic, Austria, Finland, Canada, Norway iyo Slovenia ayaa noqday kuwa ugu horreya xagga nabad galyadda aduunka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa horreey u hogaamineysay wadamadda ugu musuq maasuqa badan, waa dal ay lahareen dagallo in ka badan 20-sano, waxa hadda ugu darsamay abaar ka dhigtay 3.5-Million in ay ku tiirsanaadaan gargaarka caalamiga ah.

 W/D:Xafiiska wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Soomalaiya

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: