Calendar

War Deg deg ah: Cabdiweli Muuse oo Talaadada Maxkamad New York ah lasoo taagi doono

Cabdiweli Muuse

Cabdiweli Muuse

War Deg Deg ah
Bartamaha — War xaqiiq ah oo hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in Wiilkii lagu qabtay markabkii Maerski Cabdiweli Muuse ayaa waxaa lasoo saari doonaa Maxkamad ku taala New York Barri (Talaado, April 21 2009).

Waraysi ay siisay idaacadda BBC-da Cabdiweli hooyadiis ayaa sheegay in wiilkeedu uusan ahayn burcad badeed  ee la duufsaday isagoo iskool ku maqan. Wiilka hooyadiis oo la yiraahdo Cadar Cabdiraxmaan Xasan ayaa sheegtay inay wiilkeeda raadinaysay muddo ku dhan 15 maalmood ayna ka goobaysay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe, nasiibdarro waxaa loo sheegay in wiilkeeda ay kaxeeyeen niman lagu tuhunsanaa burcad badeed.

Cadar ayaa ka codsatay dowladda maraykanka iyo madaxweyne Obama inay wiilkeeda xabsiga kasoo daayaan.

Comments

comments

Category : Uncategorized and tagged , , .
« »

Comment: