Calendar

WAR DEG-DEG:- Wasiirka arimaha gudaha oo Qarax xooga lala eegtey [SAWIRO]

Wararka naga soo gaaraya magalada Mogadishu ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay agagaarka KM4 kaas oo lala eegtey gawaari uu saarnaa wasiirka arimaha gudaha iyo wafdi ka socday wadanka Qatar.

Faahfaahinta aan helayno waxa ay sheegaysa in wasiirka arimaha gudaha C/kariin Xuseen Gulled iyo wafdiga Qatar aysan wax soo gaarey aysen jirin.

Ninkii waday gaariga qaraxa geystey ayaa dhintey, sidoo kale 8-qofood ayaa ku dhimatey halka 5-qofoodna ay ku dhaawacantey sida uu wakaaladda Reuters u sheegay Cabdi Maxamuud oo gudoomiye degmeed ka ah meesha qaraxa ka dhacay ee degmada Hodan, wadada KM4.

Waxa jirey rasaas dhacday markii uu qaraxa dhacay, lamana oga cidda rideysay iyo dadka lagu ridayay.

Gaari kamid ahaa kolanyadda waday wasiirka arimaha gudaha oo qarax lagula eegtey KM4 – PHOTO: Ismail Osman

Qarax Kale.

Qarax kale ayaa la sheegayaa inuu hadda ka dhacay degmadda Dayniile, iyadoona lala eegtey ciidamo dowladda ka tirsan sida ay sheegayaan ila wareedyo goobta ku sugan.

Lama oga khasaaraha qaraxan labaad ka dhashey.

SAWIRO

Faahfaahin dheeri naga filo goor dhaw, inshalah!

Comments

comments

Category : Featured, Hot Now, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: