Calendar

Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka warbixisay dagaalada

aWasaarada Gaashindhiga ayaa faahfaahin ka bixisay howlgalada ay ciidamadu ka wadaan gudaha dalka. R/wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji fiqi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Ciidamada Dowladu ay horumar ka gaareen dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolada Dalka. Wasiirka Gaashaandhiga ayaa xusay in ciidamada Dowladu ay isku fidiyeen wadada Wadnaha, kadib markii ciidamadu ay kaga itaal roonaadeen dagaal ay saaka la galeen. Sidoo kale Wasiirka ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Dowladu ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Beledxaawo, wuxuuna ku celceliyay in ciidamadu ay sii wadidoonaan dagaalada ka dhanka ah Shabaab tan iyo inta laga xaqiijinayo amaanka guud ee dalka. ___ Radio Muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: