read more »">
Calendar

Wasaaradda Waxbarshada dowladda KMG ah oo ku ammaantay Hay’adda HIRDA inay buuxisay baahida bulshada

hirda

Xaflad lagu soo xirayay tababar 40-macallin oo isugu jira rag iyo haween oo wax-ka-dhiga dugsiyada magaalada muqdisho oo soconayay shan maalmood ayaa shalay ka dhacay Muqdisho, taasoo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka kala socday wasaaradda waxbarshada, hidaha iyo tacliinta sare ee DKMG ah ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Siminaarkan oo ay soo qaban-qaabisay hay’ada HIRDA ayaa qaar ka tirsan xubnihii uu u soo gabgabeeyay tababarka waxay goobtaas ka jeediyeen hadallo ay ku sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin tababarka mudada shanta maalin ah socday oo ay ku qaateen duruus kala duwan oo ay dib ula noqon doonaan iskuullada ay wax a dhigaan.

hirda1

Zamzam Daahir Maxamuud oo ka mid ahayd macalimiinta tababarka la siiyay oo hadal ka jeedisay gabgabadii xafladda ayaa ku ammaantay hay’adda HIRDA sida weyn ee ay u soo celisay rajadooda isla markaana ka codsatay inay sii wadaan tababarro lagu kobcinayo garaadka iyo aqoonta macalimiinta iyo weliba dadaalka kale ee ay ugu jiraan tababarada dhinaca caafimaadka iyo horumarinta haweenka iyo Isboortiga.

Wakiilka hay’adda HIRDA ee Muqdisho Cabdi-Daahir Aadan Diiriye oo xafladda hadal ka jeediyey ayaa faahfaahin ka bixiyay siminaarka shanta maalmood socday iyo weliba dadaalladii ay hay’adda HIRDA u soo gashay kobcinta aqoonta, caafimaadka iyo weliba horumarinta qaybaha bulshada; isagoo tilmaamay inay tahay markii labaad oo ay Muqdisho ku qabtaaan tababar noocan oo kale ah, balse ay muddo badan kasoo shaqaynayeen qaar ka tirsan gobollada dalka qaarkood.

Gabagabadii xafladda ayaa waxaa soo xiray agaasimaha dalladaha waxbarashada iyo dugsiyada gaarka ah ee wasaarada waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare Ismaaciil Macallin C/llaahi oo sheegay inuu aad ugu mahad-celinayo hay’adda HIRDA isagoo ku tilmaamay hay’ad dadaal ugu jirta sidii loo heli lahaa dad aqoon leh oo Soomaaliyeed.

hirda4

Sidoo kale, wuxuu kula dardaarmay macallimiintii tababarku u soo xirmay inay dib ugu celiyaan duruustii ay qaateen iskuuladii ay ka kala socdeen, isagoo sheegay inay HIRDA tahay hay’ad wadani ah. Ugu dambeyn goobtii xalfadda lagu soo xiray ayaa waxaa laga qaaday heesta Soomaaliyeey toosoo isku tiirsada ee hadba kiina taag daranee taageera weligiinee.
hirda3

Maxamed Xaaji Xuseen
Muqdisho, Soomaali

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: