Calendar

Wasiirka Beeraha Somaliya oo Rome uga qeybgalay shir looga hadlayey Abaaraha Somaliya

wasiirka-beelaha-somaliya3Mudane, Abdilaahi Xaaji Xassan Maxamed Nuur oo ah Wasiirka Beeraha dowlada ku meel gaar ka ah ee Somaliya ayaa maanta ka qeygalay shir looga hadlayey abaarta ka dhacday geeska Africa gaar ahaan dalka Somaliya,abaartaasi oo la sheegay inay saameyn xoogan ku yeelatay dad u dhaw sadex milyan oo somaliah, waxaana shirkan soo qaban qaabiyey Hayádda beeraha Aduunka ee magaceeda la yiraahdo FAO oo baryahanba ku mashquulsaneyd ka hadlida howlaha abaaraha Somaliya.


Wasiirka ayaa hadalka uu ka jeediyey halkaasi waxa uu uga hadlay dhibaatada somaliya ka jirta,waxaana uu sheegay inay maalinkasta ay kasii dareyso macluusha iyo abaarta baahday ee ka jirta geyiga somaliya,isagoona intaasi ku sii daray inay aduun weynaha ka dalbanayaan sidii wax looga qaban lahaa arintaasi.

Waxaana sidoo kale uu hayádda beeraha Aduunka ee FAO uga mahadceliyey qabanqaabada ay u gashay shirkan iyo xitaa ka hadlida arimaha abaaraha somaliya hada ka jira,balse waxaa uu intaasi sii raaciyey inaysan howsha dhibaatada Somaliya taala aysan aheyn mid halkaasi ku eg,loogana baahan yahay dunida oo dhan inay deg deg wax uga qabtaan halista laga dhaxlay abaarta Somalia.


Ambasador-Nuur-Caade1Shirka ayaa waxaa ku wehlinayey Wasiirka oo kala qeybgalay dhinaca Somalida Safiirka Somaliya u fadhiya wadanka Talyaaniga Nuur Xassan Xusseen “Nuur Cadde” iyo Safiirka u fadhiya Somalia Hayádda FAO Ibrahim Abdiqadir iyo xubno kale oo ka tirsan howl-wadeenada safaaradda Somaliya ee Wadanka Talyaaniga.

Dhinaca kale Wasiirka iyo wafdiga uu hogaaminayey waxay isla madasha shirka oo aheyd xarunta FAO kula kulmeen wasiirka beeraha wadanka Holland oo lagu magacaabo Heink Pleqer kaasi oo ay kala hadlayeen sidii labada dal u sameysan lahaayeen iskaashi dhinaca horumarinta beelaha iyo xitaa abaaraha Somaliya hada ka jira.

Shirkan ka dhacay Magaallada Rome ee wadanka Talyaaniga oo ayaa mid caalami ah loogana hadlay abaaraha Somaliya ayaa waxaa kasoo qeybgalay Hayáddo si weyn ugu howlahan gacansiinta abaaraha somaliya hada ka jira,kuwaasi oo laga xusi karo FAO oo ah hayádda soo qaban qaabisay shirkan,WPF iyo IFAD. Waxaana hayáddkasta dhinaceeda ka muujisay sida ay u bahoon tahay in deg deg looga jawaabo baaqyada abaaraha ee kasoo yeeraya dalka Somaliya.

Bishan marka ay tahay 25 ayaa waxaa lagu balansan yahay shir weyne kan oo kale ah oo ka dhici doona Magaallada Adis-Ababa kaasi oo looga hadli doono sidii loo dardargelin lahaa dhamaan gargaarka loo fidinayo dadka somaliyeed ee ku waxyeeloobay abaaraha xoogan ee dalkooda ka jira,iyadoo ugu danbeyntiina shirkii lagu soo xiray in laga wada shaqeeyo howlaha biniáadmino ee ka jira geeska Africa gaar ahaan Somalia.


Hashim Mustaf Adaan (Hashim Cadde)
Rome,Italia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: