Calendar

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegay inay heshiis iskaashi military ah la saxiixanayaan Itoobiya

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan wasaaradiisa ay heshiis la saxiixan doono wasaarada gaashaandhiga Itoobiya, kaasoo qeyb ka ah heshiisyo ay dowladda la galeyso dowladaha danaha kala dhaxeeya.

C/xakiin Fiqi ayaa wareysi uu siiyay Radio Muqdisho waxaa uu ka dhawaajiyay in heshiiskaas uu haatan marayo meel xasaasi ah, isla markaana ay dhowaan la saxiixan doonaan Wasaarada Gaashaandhiga Itoobiya.

“Waxaan ku guda jirnaa Heshiis aan la saxiixaneyno dowladda Itoobiya oo aan deris nahay, iskana kaashano la dagaalanka Argagixisada iyo nabadgelyada, waxaa heshiiskaas ku saabsan yahay dhismaha ciidamada”ayuu yiri C/xakiin Fiqi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in heshiiskan uu quseeyo dib u dhiska ciidamada, qalabeyntooda, iyo xoojintooda, waxaana uu intaa ku daray in heshiisan uu faa’ido u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed sida uu yiri.

Wasaarada gaashaandhiga ayaa dhowaan heshiis la gashay Wasaaradaha dalalka Turkiga, Talyaaniga iyo kuwa kale, waxaana heshiisyan ay quseeyeen dib u dhiska ciidamada, tababarida iyo qalabeynta.

Dowladda Itoobiya ayaa kumanaan askari oo aan hoos tagin AMISOM kaga sugan Soomaaliya, iyadoo bishii Agosto diyaarad ay leedahay oo Hub iyo saanad milateri siday ay ku bur burtay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: