Calendar

Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya Col. C/risaaq Isaaq Biixi oo Muqdisho ku geeryooday

- www.Bartamaha.comMuqdisho (Bartamaha) Xalay waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday alaha u naxariistee Col. C/risaaq Isaaq Biixi oo xilal dhanka ciidamadaa ka soo qabtay dawladdii kacaanka iyo dawladihii kumeel gaarka ahaa ee Soomaaliya.

Col. C/risaaq Biixi oo ka mid ahaa saraakiisha ugu aqoonta saraysa dhanka ciidamada dalal dibaddanaa aqoonta ciidanka iyo dagaalka ku soo qaatay waxaa uu dawladdii col. C/laahi Yuusuf ee KMG ahayd uu ka soo noqday wasiirka gaashaandhigga, iyadoo xil uu qabtana uu ugu danbeeyay la taliyaha ra’iiulwasaarihii DKMG ahayd Cabdi faarax Shirdoon Saacid xiliguu uu ahaa raysalwasaaraha.

Hadaba taariikh nololeedka iyo xilalka uu soo qabtay Col. C/risaaq Isaaq Biixi waxaa warbaahinta uga waramay Gen. Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal).

Gen. Dhuumaal ayaa sheegay in Col. Biixi uu ka mid ahaa saraakiisha ugu aqoonta saraysa saraakiisha ciidanka xoogga Soomaaliyeed ee soo maray dalka Soomaaliya.

Jenenku waxaa uu tilmaamay inuu marxuumka uu tababaro iyo cilmi kororsi uu ku soo qaatay dalka dibaddiisa, uuna aqoon sare u lahaa arimaha ciidamada.

Col. C/risaaq Isaaq Biixi ayaa ahaa nin jecel Soomaalinimada,qaranimada aan ahayn nin dadka kala jecel ama qabyaaladda isticmaala.

” wuxuu ahaa nin wadani ah, Soomaalinimada jecel, qabyaalada kuma aqoon muddo ku dhaw afartan sano ayaan aqaanay”, ayuu yiri Gen. Dhuumaal.

Col. C/risaaq wuxuu xilal ka soo qabtay dawladdii kacaanka, mudadaii burburka mar wuxuu soo maamulay ururkii SNF, xiligii dawladihii kumeel gaarkana mar wuxuu noqday wasiirka gaashaandhigga marna xildhibaan.

Col. Biixii ayaa xil uu qabto waxaa ugu danbeeyay la taliyaha ra’iisulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid xiligii uu ahaa wasiirka 1aad ee xukuumadda Soomaaliya.

Madaxda dawladda federaalka ee Soomaaliya ka hadlay geerida Col. Biixi kana tacsiyeeyay, waxayna sheegeen inuu ka mid ahaa saraakiisha ugu aqoonta saraysa saraakiisha ciidanka xoogga Soomaaliyeed.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: