Calendar

Wufuud Caalami oo maanta soo gaaray Muqdisho kulamona la qaatay madaxda ugu sareysa ee Dowladda

w8

July 12, 2011—–Wufuud Caalami ah oo heerkoodu sareeyo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho iyagoo kulamo kala duwan la qaateen mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda sida Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha iyagoo sameeyey balan qaadyo dhanka gargaarka Bani’aadaminimada ah iyo siyaasada.

Wefdigii ugu horeeyey ayaa yimid barqonimadii maanta waxayna ka socdeen Xafiiska siyaasada Soomaaliya ee Q/midoobay (UNPOS) waxaana wefdigan hogaaminayay wakiilka xoghayaha guud Amb. Augostine Ph. Mahiga iyagoo kulankii ugu horeeyey la qaatay madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed iyagoo la qaatay kulan saacado qaatay.

sidoo kale, Wefdiga Mahiga ayaa u soo gudbay dhanka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyagoo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. C/weli Maxamed Cali waxaana wefigani ay muddo saacado ah kulan gaar ah la qaateen R/wasaaraha iyagoo kulankooda kadib warbaahinta shir jaraa’id u qabtay.

“Waxaan ku faraxsanahay inuu na soo siyaarto Ambassador Mahiga iyo wefdigiisa waxaana aad uga wadahadalnay arrimo badan oo quseey arrimaha Soomaaliya iyo xiriirka Q/midoobay iyo Soomaaliya” ayuu yiri R/wasaaraha oo intaasi ku daray inay si qota dheer uga haldeen sidii loo sii wadi lahaa geedo socodka Soomaaliya.

Sidoo kale, Ambasasdor Mahiga ayaa isna dhankiisa sheegay inuu ugu hambalyeynayo Ra’iisul Wasaaraha magacabistiisa iyo sidii heerka sare aheyd ee ay codka u siiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka “Baarlamaanka waxaan ugu hambalyeynayaa sidii ay u meel mariyeen heshiiskii Kampala Accord” ayuu Amb. Mahiga oo dhinaca kale ugu baaqay in hay’addaha dowladda Federaalka si taxadar leh oo dhiiran ay u wada shaqeeyaan.

Dhinaca kale, wefdi ballaaran oo uu hogaaminayay madaxa Xafiiska isku xirka Q/midoobay ee arrimaha Gargaarka Bani’aadanimada Mr. Mark Bowden waxaana sidoo kale ka mid ahaa Flaria Amos ayaa iyaguna daqiiqado kadib yimid xafiiska R/wasaaraha waxaana halkaasi ugu horeyntii ay shir gaar ah la qaateen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ah Mudane Dr. C/weli waxayna ka wada hadleen arrimaha gargaarka Bani’aadaminimada iyo abaaraha ku dhuftay dalka, waxaana R/wasaaruhu uu sharaxaad dheer ka bixiayay baaxada abaaraha iyo gargaarka deg deg ah ee loo baahan yahay.

Wefdiga ayaa si gooni ah shir ula yeeshay guddiga heerka Wasiir ee gurmadka abaaraha Qaranka oo uu madaxda u yahay R/wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Difaaca Mudane C/xakiin Maxamuud Fiqi iyagoo kala hadlay sida gar gaar loo gaarsiin karo dadka Soomaaliyeed ee u baahan waxayna isla meel dhigeen sidii si deg deg ah loogu fidin lahaa caawinaad dhan kasta ah dadka ay abaaruhu la degeen ee Soomaaliyeed.  

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen R/wasaare kuxigeenka iyo Xiriiriyuhu ayay ku sheegeen in ay isla afgarteen dhamaan arrimihii ay ka wada hadleen wuxuuna xusay Mr. Mark Bowden in Q/midoobay ay si deg deg ah gargaar ula soo gaari doonto shacabka tabaaleysan isagoo xaalad aad u adag ku tilmaamay nolosha ka jirta xeryaha qaxootiyada ee Muqdisho.   

Ugu dambeyntiina wefdiga Marka Bowden ayaa booqday xeryaha Qaxootiga ee ku yaala xaafada Buula-xuubey ee degmada Wadajir isagoo halkaasi ugu kuurgalay xaaladda nololeed ee dhabta ah ee qaxootigaasi Soomaaliyeed.

w9w2w5w4w7xafiiska wararka bartamaha muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: