Calendar

Xassan Shiikh oo u dhoofay Maraykanka, iyo Mudahraadyo la filayo

hassansheikhMadaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxmauud ayaa gelinkii dambe ee maanta u amba baxay dalka Mareykanka, halkaasi oo uu kaga qeyb galidoono, shir ay madaxda dowladda Mareykanka la yeelanayaan Madaxda Qaaradda Africa oo soconaya 4 ilaa 6 bishan, waxaana  madaxweynaha safarkiisa ku wehliyay wasiirka arimaha dibadda iyo dhiiri galinta maalgashiga Somalia iyo xubno kale.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa kusii sagootiyay wafdiga uu  madaxweynuhu  hogaaminayo ee u amba baxay dalka Mareykanka, R/wasaaraha C/wali Sh. Axmed Maxamed, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale.

markii ay garoonka diyaaradaha ku duushay diyaaraddii sidday wafdiga madaxaweynaha ayaa qeybta nasashada ee garoonka diyaaradaha waxaaWarbaahinta kula hadlay R/wasaaraha dalka ahna ku simaha madaxweynaha  C/wali Sh Axmed Maxamed wuxuuna sheegay in shirka ka dhacaya Mareykanka ay Soomaaliya la hortegi doonto qorshaha ay dowladdu ugu talagashay horumarinta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa dalka Mareykanka uga qeybgelidoona kulan loogu magac daray jiilka dambe waxaana la sheegay in si gaar ah loogu faaqidi doono  danaha iyo baahiyaha ka dhaxeeya Mareykanka iyo wadamada Africa.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: