read more »">
Calendar

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo digniin u diray dadka dhibaateeya Haweenka

Axmed-Cali-Daahir-111Muqdisho(Bartamaha) Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa digniin culus u diray dadka  dhibaateeya Haweenka Soomaaliyeed,wuxuuna sheegay in xafiiskooda loosoo gudbiyey qoraalo badan oo la xiriira dhibaatooyin loo geystay haweenka Soomaaliyeed.

Wuxuuna sheegay iney xabsiga dhigeen dad lagu helay iney dhibaateeyeen haweenk Soomaaliyeed,wuxuuna tibaaxay in lasii daayey dad lagu waayey eedeymihii lagu soo oogay ee ku saabsanaa kufsi iyo tacadiyo kale oo ay  u geysteen Haweenka.

Xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir ayaa dhanka kale tilmaamay iney jiraan Kiisas aan wax laga qaban isagoona u sababeeyey arimo dhowr oo ay ka mid tahay in dhibanayaasha qaarkood ay qarsadaan dhibka loo geystay iyo iney ka wadahadlaan labada reer halkii laga wargalin lahaa hay’adaha ku shaqada leh.

Xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney meel qura uga soo wadajeestaan danbiilayaasha,wuxuuna ka dhawaajiyey ineysan sax ahayn in danbiilaha la taageero iyada oo la xeerinayo wada dhalasho ,ehelnimo ama Saaxiibtinimo.

Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya ayaa  ugu danbayntii digniin adag u diray dadka  caadeystay dhibaateynta Haweenka Soomaaliyeed.

 

 

Muqdisho Bartamaha

 

M

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment:

cccc