read more »">
Calendar

Xildhibaanada Barlamanka KMG Meelmariyey in $100 Looga Jaro Mushaharaadkooda lana Siiyo Dadka Abaaraha ay Saameeyeen

Baarlamaanka som (1)Muqdisho (RBC) Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa isku raacay guud ahaan go’aan saaka uu soo hordhigay gudoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha kaasoo sheegaya in in min $100 looga jaromusharaadka ay qaataan xildhibaanada laguna taageero dadka abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobolada dalka.

Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen xildhibaano gaaraya 285 mudane ayaa waxaa shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, waxaana kulankja maanta joogay guddiga gurmadka abaaraha.

Gudoommiyaha guddiga abaaraha ee DKMG u xilsaartay Xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur oo hadal ka hor jeediyey kulanka barlamanka ayaa ka sheekeeyey xaalada adag ee dalka ka jirta iyadoo uu tusaale u soo qaatay 5 ruux oo xalay macluul darteed ugu geeriyooday xaafada Siligga ee degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sheegay inaysan jirin cid aan Alle ahayn oo ummada u maqan loona baahan yahay in dadka Soomaaliyeed iyaga isku tashadaan, isagoo weerr ku qaaday hay’adaha QM ka tirsan ee dalka ku sugan. Wuxuuna sheegay in iyadoo dadka gaajo u dhimanayo ay WFP raashiin ugu xereysan yahay keydad ugu yaalla Muqdisho.

“Waxaan xukuumada ugu baaqayaa in talaabo deg deg ah ka qaado kuea sheegta magaca HAY’ADAHA ee magaca ummada Soomaaliyeed wax ky soo qaata ee bakhaarada ku xirtay. Waa in ciidan loo diraa bakhaarada WFP oo xoog looga qeybiyaa raashiinka ku jira..”, ayuu yiri xildhibaanka.

Dooda kadib ayaa shir gudoonka barlamanka C/weli Muudey wuxuu sheegay in xildhibaanada ay isku raaceen in min $100 laga jaro mushaharaadka ay qaataan mudanayaasha, taasoo looga goynayo bangiga dhexe.

DHINACA KALE, Waxaa xildhibaanada maanta loo qeybiyey Heshiiska Ilaalinta Barakacayaasha Afrika kaasoo sanadkii 2009 madaxda Afrika ku saxixeen magaalada Kampala ee wadanka Uganda.

Waxaana la filayaa in mudanayaasha maalmahaa soo socda ay ka doodi doonaan isla markaana ay meelmarin doonaan heshiiskaasi oo qeyb ahaan saameynaya dadka Soomaaliyeed ee u barakacay wadamada kale ee Afrika.

====================

Source: Raxanreeb.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta and tagged , .
« »

Comment: