Calendar

Xildhibaankii Shanaad oo Muqdisho lagu toogto Muqdisho sanadkan

HamarweyneXildhibaan ka tirsan dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta lagu toogtay Magaalada Muqdisho xili uu kasoo baxay Masaajid.

Shiekh Aadan madar oo horay Dowladdahii hore ee kumeel gaarka Soomaaliya uga soo qabtay xilal kala duwan oo ku jiro wasiir ayaa waxaa maanta oo jimco aheed lagu dhex toogtay Magaalada Muqdisho xili uu soo gutay Salaadii Jimcaha masjid ku yaala caasimada Muqdisho.

Rag hubaysan oon la aqoon haybtooda ayaa xabado la dhacay xildhibaanka  AUN markii uu masaajidka ka baxay salaadii Jimce kadib.

Xildhibaankan ayaa noqonaya xildhibaankii shanaad ee lagu dilo  caasimada Muqdisho , Halka xildhibaankii ka horeeyay ay ahayd Fanaanadii Qaranka Soomaaliyeed oo Magaalada Muqdisho lagu toogtay maalin ramadaan. Dilka xildhibaankan ayaa sheegtay ururka argagixisada ee Al Shabab.

Dowladda Federaalka iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa si isku mid ah u canbaareeyay dilka Xildhibaan, sidoo kale dowladdu waxay ku dhawaaqday in xildhibaanka loo sameen doono aas qaran.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: