Calendar

XOG: Taliyihii Amaanka Raysul Wasaare Gaas iyo Ku Xigeenkiisa oo Xalay Xabsiga Loo Taxaabay

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow xafiiska raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas waxaa xalay saqdii dhexe ciidamada nabadsugida ay xabdiga u taxaabeen sarkaalkii ugu sareeyey dhanka amaanka ee xafiiska raysul wasaaraha iyo ku xigeenkiisa.

Saraakiishan ayaa xalay laga kexeeyey aqalka raysul wasaaraha iyadoo loo qaaday xabsi gaar ah oo ay nabadsugida ku dhex leedahay xarunta madaxtooyada halkaasoo su’aalo lagu weydiinayo. Waxaana xarigan la go’aansaday ka dib markii xog hordhac ah oo ka soo baxday baaritaankii lagu waday qaraxii Tiyaatarka qaranka ee bishan 4-teeda lagu sigay raysul wasaaraha iyo masuuliyiin sare oo dawlada ka tirsan, ay muujisay in saraakiisha ugu sareysa dhanka amaanka ee xafiiska raysul wasaaraha ay dayacaad amni muujiyeen ama qaarkood wax ka ogaayeen qaraxa.

Saraakiisha la xiray ayaa lagu kala magacaabaa Cabdi Xasan oo ku magacdheer Cabdi Yare ahaana ninka ugu sareeya dhanka amniga xafiiska iyo ku xigeenkiisa oo la yiraahdo Maxamed Deeq.

Waxay sidoo kale ciidamadu horey u xireen haweeney ka tirsan ilaalada gaarka ah ee raysul wasaaraha oo la sheegay in maalinkii qaraxa uu dhacay ay qaabilsaneyd baarista dadka soo galaya Tiyaatarka gaar ahaan haweenka, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in haweeneydaasi ay shan daqiiqo ka hor qaraxa intii uusan dhicin ogaatay in qof ismiidaamin raba uu gudaha u soo galay Tiyaatarka laakiin ay qarisay sababo aan la sheegin darteed.

Saraakiil baxsatay

Waxaa dalka ka baxsaday oo illaa hadda la raadinayaa ugu yaraan saddex sarkaal oo kale oo dhamaantood ahaa ilaalada gaarka ah ee raysul wasaaraha, waxaana ku ku jira nin ka shaqeynayey dhanka hab maamuuska (protocolka) xafiiska raysul wasaaraha.  Ilo wareedyada qaar ayaase sheegaya in saddexda nin ee baxsatay labo ka mid ah ay gaareen dalka Kenya halka ninka saddexaadna uu u baxsaday magaalada Kismaayo oo ay ka taliso Xarakada Al-Shabaab.

Illaa hadda saraakiisha nabadsugida iyo guddiga wasiirada ee loo xilsaaray baaritaanka dhacdadii Tiyaatarka ayaan wax war ah ka soo saarin xariga lagu qabqabtay saraakiisha amni ee xafiiska raysul wasaaraha.  Hase yeeshee waxay tallaabadi imaaneysaa iyadoo Al-Shabaab oo horey u sheegtay masuuliyadii qaraxii Tiyaatarka ay warbaahintooda ka sheegeen in rag ka tirsan dawlada ay ku caawiyeen fulinta weerarka Tiyaatarka.

Shirqoolkii Gen Dhagabadan

Dhanka kale waxay arimahan durba abuureen in su’aalo waaweyn la iska weydiiyo qaabka ay u shaqeeyaan saraakiisha amni ee dawlada oo aad loo tuhun qabo in qaarkood ay si hoose ula xiriiraan Al-Shabaab iyagoo ka eeganaya dano dhaqaale. Waxaana arintaasi ay soo ifbaxday labo usbuuc ka hor markii darawalka gaarka ah ee abaanduulaha ciidanka xooga dalka Gen C/kariin Yuusuf (Dhegabadan) uu fashiliyey isku day lagu khaarajin lahaa abaanduulaha ka dib markii rag Al-Shabaab ka tirsan ay lacag gaareysa illaa $20,000 [labaatan kun doolar] ay u ballanqaadeen inay siinayaan haddii uu u fududeeyo hab lagu dili karo Gen Dhegabadan.

Darawalka abaanduulaha ayaa shaaca ka qaaday xog uu ka heley xubnaha Al-Shabaab ee qorsheynayey in jaakad waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey lagu xiro baabuurka Gen Dhagebadan, wuxuuna darawalka uu cadeeyey in maalin iyo habeen uu si toos ah ula hadli jiray ragga shirqoolka waday si uu ogaado waxa ay damacsan yihiin isagoona ku wargeliyey ciidamada taasoo horseeday in markii dambe lagu guuleysto in  raggii shirqoolka fulin rabay oo uu darawalku far muuqay la xiro.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: