Calendar

Xoghayaha 1aad Safaarada Soomaalida ee Talyaaniga oo ka hadlay Weerarka qabiil ee lagu soo qaaday “Dhageyso “

1417_40702043566_695803566_1105181_243_n (1)

Abdilahi Farah oo ah xoghayaha koowaad ee safaarada Soomaaliya ee Rome ayaa shaaca ka qaaday in lagu soo qaaday weerar qorsheysan oo lagu doonayey in isaga lagu qaarijiyo,kadib markii uu xafiiskiisa kusoo weeraray nin uu sheegay inay heyb hoose yihiin Safiirka Soomaaliya ee Rome Nuuse Cadde.

Waxa uu dagaalkan ku tilmaamay inuu yahay mid u abaabulan si qaabqabiil ah islamarkaana uu yahay mid ay isla ogyihiin dhamaan shaqaalaha Safaarada iyo waliba Nuur Cadde.

” Meeshan waa meel ay qurunsadeen Ambasadoorka iyo heybtiisa,Marka dhib xoogle ayaa meeshan ka jirta,Anigana waxaan ku iri uma dulqaadanayo,wasiirka arrimaha dibada waan u sheegay oo waxaan siiyey warbixin buuxda, Ciidanka Talyaaniga waxaa ay isiiyeen warqad ay ku cadeynayaan wixii igaara inay iyaga “Safaarada Somalida ” Mas’uul ka yihiin” ayuu yiri Abdilaahi Farah.

Laakiin waxaa uu Abdilaahi Farah Xoghayaha koowaad ee safaarada ku tilmaamay nin kasoo weeraray iyo dadka la safan inay yihiin kuwa aan ka tirsaneyn safaarada balse la qaraabo ah Nuur Cadde.

“Kama tirsana Safaarada, waxa uu yahay nin ku heyb ah Nuur Cadde. Magaciisa waa Maxamuud ama ay dadka u yaqaanan Cagaweyne. Waxa uu qaab waardiye ahaan ah ku joogaa guriga safaarada,waxaana geeyey Nuur Cadde oo ku naasnuujinaya ilaa hadda. Marka Nuur Cadde nin weyn oo mas’uul soo ahaan jiray waaye,ma fahmin arrinka uu ku dhaqmahayo.” ayuu yiri Abdilaahi Farah isagoo intaasi raaciyey .

“Meesha Nuur Cadde ka odayeen lahaa oo uu iwareysan lahaa waxa uu badelkeeda ka jecladay inuu shaqaale hoose oo ku heyb ah waco oo uu wareysto,anigana uu hadalkeyga waxba kama jiraan kasoo qaado ama uusan xitaa telefoonka iga qaban. Waxana uu igu colaadinayaa waa buugii TACSIDA ee Madaxweynihii hore ee Abdilaahi Yusuf ee aan isku qabanay in safaarada la dhigo oo uu isaga diiday (Waa NUUR CADDEE) ” Ayuu Wareysiga laga qaaday Abdilaahi Farah ku sheegay.

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa horey ugu baaqay in dhamaan safaaradaha Soomaaliya ugu yaala aduunka la dhigo buugga TACSIDA Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Abdilaahi Yusuf Ahmed,iyaddoona aan la ogeyn sababta uu Nuur Cadde u diiday in buuggaasi la dhigo safaarada uu madaxda ka yahay. Waxaase la xasuustaa inuu loolan xoogan ka dhexeeyey Nuur Cadde iyo Marxuumkaasi geeriyooday taasi oo la dhihi karo waa mida uu ku diiday inuu buuggaasi la dhigo safaarada.

Shalay ayaa waxaa ka dhacays safaarada Soomaalida ee Rome dagaal lagu soo qaaday Mas’uulkan ka tirsan safaaradaasi kadib markii sida uu sheegay uu weerar toos ah oo qabiil ahaan u abaabulan uu kusoo qaaday shaqaalo u badan heybta Safiirka Nuur Cadde kuwaasi oo aan marna dooneyn inay soo dhexgalaan dad kale oo soomaaliyeed.

Ciidamada ammaanka dalka Talyaaniga ayaa soo gaaray shalay dhismaha ay ku shaqeyso safaarada Soomaaliya kadib markii uu soo gaaray warar sheegaya in halkaasi lagu dili rabo xoghayaha koowaad ee safaarada Soomaaliya Abdilaahi Farah,iyagoona markii danbe dhismaha safaarada ka saaray ninkii soo weeraray mas’uulkan. Waxaana ciidankaasi ay wareysi ay ka qaadeen sida ay wax u dhaceen Abdirahmaan, Aweys iyo gabar lagu magacaabo Culumo kuwaasi oo kawada tirsan howl-wadeenada Safaarada Soomaalida ee Rome.

Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga Nuur Cadde oo aan qadka telefoonka kula xirirnay ayaa ka jawaabeyn teleefankiisa gacanta waxaana sidoo kale inagu adgaatay in aan helno xubnaha kale ee la sheegay inay safaarada xilliga dhibka dhacayey joogay,kuwaasi oo qaarkood ka mid ah kuwa qaabka qabiil ku colaadinaya Mas’uulkan cusub.

Halkan ka Dhageyso Wareysiga Cali Farah

http://www.youtube.com/watch?v=ETHyU8IWJjo&feature=youtu.be

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo isla hadleen kadib dagaalkan Xoghayaha koowaad Abdilaahi Farah ayaa sheegay inuu 5 bisha soo socota imaan doono magaalada Rome si uu wax badan uga qabto arrimaha musuqmaasuqa ee ka jira safaaradaasi,isagoona dhinaca kale Wasiirka arrintan laga soo tashan doona Madaxda sar sare ee Dowlada Soomaaliya.

Ma ahan wax cusub in mas’uul horey uga tirsanaa safaaradda Soomaaliya dhibaato loogu geysto qaab qabiil ama shaqadii uu halkaasi ka hayey laga joojiyo. Abdikariim Maareey oo ahaa shaqsigii badbaadiyey in la iibsado dhismaha Safaarada Soomaaliya ee Talyaaniga ayaa waxaa barqo cad shaqadii ka eryey Nuur Cadde oo badelkiisa u magacaabay nin la yiraahdo Xaaji Abuukar.

Wareysi iyo sawiro kale oo arrintan safaaradda soomaaliya ee Talyaaniga ku saabsan waxaan idin kusoo gudbin doonaa wararkeena danbe.

Cabdiqani Cali Dalmar
[email protected]


Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: