______________________________________________________________________________________________________

Masuuliyiinta masjidka Abubakar Al Sadiiq oo shir jaraa’id qabtay…

Bartamaha Feb.. 11 2009

 Sawirada Daawo

Maamulka masaajidka Abubakar Al Sadiiq oo ku yaala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, wadanka Maraykan ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen maalintii talaadada 2/10/2009 waxay iska fogeeyen eedeeyno iyo far ku fiqii in muda ah lagu cambaareynayay masuuliyiinta masjidka Abdubakar. Waxaa masjaadika iyo maamulka lagu eedeynayaa in ay ka danbeeyeen ama ay lug ku leeyihiin maqnaanshaha dhalinyaro Soomaali ah oo ku noolaa labadda magaalo ee mataanaha ah Minneapolis/St. Paul ee gobolka Minnesota. Dhalinyarada oo tiradadooda wali la hubin  ayaa la tilmaamayaa in ay soo aadeen dalka Soomaaliya sanadkii dhamaaday ee 2008.

 

Ehelkii, qaraabadii iyo qoysaskii ay dhalinyaradi ka maqan yihiin ayaa ka walaacsan caruurtooda iyo Walaalahooda lagu tuhunsanyahy in ay aaden dalka Soomaaliya. Waxaa meesha ka hadlay dad tiro badan, matalayayna culumaa’u diinka, dhalinyarada, ardayda, ururada u adeega bulshada, qaar kamid ah dad weynaha ajnabiga ah ee dariska la’ah masaajidka iyo kuwo kale oo tiro badan.

 

Waxaa inta badan su’aalaha ku saabsan masaajid uga jawaabayey Sheekh Cabdirashid Cabdi oo ka mid ah masuuliyinta Masjidka, isaga oo shaaca ka qaaday in maamulka masaajidku ay la qeybsanayaan qoysaska iyo waalidiinta Soomaalida ah dhibaatada, walaaca iyo murugada ay guud ahaanba ku heyso arrinta ku saabsan maqnaanshaha caruutooda  iyo dhalinyaradda maqan gabi ahaan ba .Sheekh Cabdirashiid waxa kale oo uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado eedeeyta ama fara ku fiiqa joogtadda ah ee  loo soo jeediyay Masjidka Abubakar Al Sadiiq oo ah goob lagu cibaadaysto, dhamaan bulshaduna ay og yihiin, kuna xiran yihiin.

 

Waxaa kale oo meesha ka hadlay Cabdullahi Farax oo ah maamulaha ama isku dubariddaha barnaamijka dhalinyarada ee masaajidka Abubakar Al Sadiiq. Cabdullahi ayaa waxa uu tilmaayay in lagu xad gudbay xuquuqdiisa shaqsi nimo ee uu leeyahay muwaadin ahaan. Waxa uuna sheegay in dowlada Mareykanku ayna wali wax cadeyn ah oo ku saabsan sababta looga reebay ama loogu diiday in uu u dhoofo xajka ayna siinin. Arrintan dhalinyaradana ay buun buuninayaan saxaafada oo arintani in mudo ah ku soo noqnoqtay iyo shaqsiyaad aanan rabin isku duubnida bushada gebi ahaanba.

 

Haddaba iyada oo dad kale ay meesha ka hadleen, ayaa guud ahaan maamulka masaajidku iyo dadkii meesha ka hadlayba ay dhamaan shaaca ka qaadeen masaajidka Abubakar in uusan lug ku lahayn eedaynta loo soo jeedinayo, wada shaqayn fiicana ay la samaynayaan shaqsiyaadka ka socda dowladda ee faraha kula jira baaritaanka arrinta dhaliyarada ee lagu tuhunsanyahay in ay u dhoofeen dalka Soomaaliya.

Daawo Sawirada

 

W/Q: Abdirahman “Abdirashiid” Mukhtar

Sawir Qaade: Mohamed “ Wiil Waal”


 


Olol Films Presents Somali Film Festival (Australia)



Most Popular on Bartamaha
Bartamaha Forum [November]
In this episode we ask:
Why Somali girls are more advanced than boys?
How close are you with your parents?
Why Somali teens in the diaspora prefer other languages? and More
Language: Somali/English
Watch - Daawo
Wiilasha Vs Gabdhaha
Cadar waxay tiri "Waligiin ma aragteen gabar warlord ah ama ciidan hogaaminaysa...daroogada ay caruurtenu qaataan halkan kama bilaaban oo Soomaaliya aabayaashood baa qaad...
Daawo
Interview: BBC English interviewed Bartamaha Editor about the Somali Pirates
Listen
Fahiima (Stacy) Speaks Somali
fahiima waxay ku hadashaa luqada Soomaaliga

waxay igu qaadatay inaan barto Soomaaliga 3 sano Daawo
7

Election Day Stories (Columbus)
Bartamaha asks Somali Americans how they voted and their experience at the polling places.
Watch - Daawo

6
Election Day Stories (Columbus)
Bartamaha asks Somali Americans how they voted and their experience at the polling places.
Watch - Daawo
8
Muxuu uga duwan yahay Al Franken, Coleman
Waxaan suaashan weydiinay Nimco oo ah gabar Soomaaliyeed oo u shaqeysa xisbiga dimoqraadiga ee gobolka Minnesota
Daawo
17 Ugaasa Abukar Boocow a Talented Somali Sister Showing the Somali Community the Power of Somali Spoken Words and Culture.
Courtesy of IssaEntTv
Watch
4
Muxaadaro - Xuquuqda dadka & Islaamka, Cudurada ay Zinadu keento (STD's) - Video
Waxaa Muxaadaradan guud oo cinwaankeedu ahaa Kala Dooro labada wado, noo soo jeedinayo Shiikh C/raxmaan C/laahi Xaaji Dabcasar
Daawo
2

Aar Maanta's new music video
Saafi which means 'clear' in English, is a Somali song taken from Hiddo & Dhaqan; the forth coming album by Aar Maanta.
Watch - Daawo

5
Dua from Makka Al Mukaramah
Shiikh Sudais
Watch- Daawo
12

Nomad Boy
A Short Somali Film about the life of a young Somali Nomad boy in the 1960's

Watch


Copyright © 2006 Bartamaha Somali Media