______________________________________________________________________________________________________

Kulan lagu taageerayo madaxweyne Sh. Shariif Sh. Ahmed...

Daawo Sawirada Qaybta Kowaad
Daawo Sawirada Qaybta Labaad

Minneapolis: Waxaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota lagu qabtay kulan aad u balaaran, kulankan oo si weyn loogu taageeray dowlada cusub iyo madaxweybaha cusub Sh. Shariif Sh. Axmed ee loo doortay dalka Soomaaliya dhamaadkii bishii aan soo dhaafnay.

Kulankan ay iskugu yimaadeen dadweyne aad u tiro badan oo ay kamid ahaayeen madax sarre oo mataleysa maamulka gobolka Minnesota, aqoonyahaniin, culumaa'udiin, fanaaniin, bulsho weynta Soomaaliyeed ee degan gobolka Minnesota iyo dad badan oo ka kala socda saxaafado kala duwan.

Barnaajimka lagu soo bandhigay kulanka lagu taageerayo dawlada madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa marti sharaftii meesha ka hadashay waxaa kamid ahaa: Dr. Saciid Fahiye oo ah maamulaha guud ee ururka Confederation of Somali Community of MN oo ah urur u adeega bulshada Soomaaliyeed. Waxaa kale oo hadlay Sh. Xasan Jaamici oo ah qareen Kana mid ah Culimada Minnesota. Waxaa kale oo hadlay duqa magaalada Minneapolis, R.T Rybak oo isagu hambalyo iyo bogaadin dheerad ah u diray dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa degan magaalada Minneapolis. Gabadh ka socotay xafiiska wakiilka koongareska u fadhiya gobolka Minnesota, Keith Ellison oo isagu fariin gooni ah udiray madaxweyne Sh. Shariif iyo dowladiisa.

Mr Walsh oo qaabilsana xafiiska arrimaha dibadda ee wadanka Mareykanka ayaa isagu shaac ka qaaday in dalka maraykanku uu diyaar u yahay la shaqaynta dawlada Sh. Shariif Axmed. Caabiyo oo dumarka iyo hooyooyinka u hadashay ayaa iyadu hadalkeeda xooga ku saartay baahida loo qabo in reer Minnesota ay taageeraan maatida iyo caruurta oo ah dadka kaliya ee dagaaku iyo dowlad la'aantu aadka u saamaysay. Xuseen Mataan oo kasoo ahaan jiray xeer ilaaliyaha guud iyo wasiirka difaaca dowladihii hore ee Soomaaliya ayaa kulanka kasheegay in nabada iyo isku duubnaanta fursad la siiyo.Waxaa kaloo ka hadlay meesha dad kale oo aad u tiro badan.

Kulankan oo ahaa mid aad u balaaran laguna taageerayo dowlada cusub ee uu madaxweynaha ka yahay Shariif sheikh Axmed ayaa qaatay saacado badan ayaa fanaaniinta Soomaaliyeed ee ka soo qaybgashay waxa ay masraxa kasoo bandhigeen ruwaayad, buraanburo, majaajilo iyo heeso cusub oo loogu talagalay xafladan taageerada ah.

Waxaa kale oo mudan in la xuso in ugu danbayntii xafladan aadka loo soo agaasimay si toos ah khadka taleefanka loogu soo xiray madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed. Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dhamaan dadweynihii goobta joogay, uguna hambalyeeyay in rajo iyo waa cusub u biloowday dalka Soomaaliya. Mudane Sh. Shariif ayaa waxa kale oo uu dadweynaha ku guubaabiyay in ay is gacan qabtaan dowladdana ku taageeraan wixii hiil iyo hooba ah, isaga oo sheegay in uu xooga saarayo sidii ay dawladiisu uga maarmi lahay ama uga madax banaanan lahayd taakulada dadka deeq bixiyayaasha ah.

Kulankan ayaa dadkii soo qaban qaabiyay ay usoo agaasimeen si heersare ah, dadweynaha ka soo qayb galayna laga dareemayay farxad la dhihi karo waxaa lagu qeexi karaa oo kali ah halhaysii ama heestii calanka Soomaaliya ee ahayd: Soomaaliyeey tooso, toos oo isku tiirsada...

Daawo Sawirada Qaybta Kowaad
Daawo Sawirada Qaybta Labaad

Qore: Abdirahman "Abdirashiid" Mukhtar
Sawirada: Maxamed (Wiilwaal)

 

 


Olol Films Presents Somali Film Festival (Australia)



Most Popular on Bartamaha
Bartamaha Forum [November]
In this episode we ask:
Why Somali girls are more advanced than boys?
How close are you with your parents?
Why Somali teens in the diaspora prefer other languages? and More
Language: Somali/English
Watch - Daawo
Wiilasha Vs Gabdhaha
Cadar waxay tiri "Waligiin ma aragteen gabar warlord ah ama ciidan hogaaminaysa...daroogada ay caruurtenu qaataan halkan kama bilaaban oo Soomaaliya aabayaashood baa qaad...
Daawo
Interview: BBC English interviewed Bartamaha Editor about the Somali Pirates
Listen
Fahiima (Stacy) Speaks Somali
fahiima waxay ku hadashaa luqada Soomaaliga

waxay igu qaadatay inaan barto Soomaaliga 3 sano Daawo
7

Election Day Stories (Columbus)
Bartamaha asks Somali Americans how they voted and their experience at the polling places.
Watch - Daawo

6
Election Day Stories (Columbus)
Bartamaha asks Somali Americans how they voted and their experience at the polling places.
Watch - Daawo
8
Muxuu uga duwan yahay Al Franken, Coleman
Waxaan suaashan weydiinay Nimco oo ah gabar Soomaaliyeed oo u shaqeysa xisbiga dimoqraadiga ee gobolka Minnesota
Daawo
17 Ugaasa Abukar Boocow a Talented Somali Sister Showing the Somali Community the Power of Somali Spoken Words and Culture.
Courtesy of IssaEntTv
Watch
4
Muxaadaro - Xuquuqda dadka & Islaamka, Cudurada ay Zinadu keento (STD's) - Video
Waxaa Muxaadaradan guud oo cinwaankeedu ahaa Kala Dooro labada wado, noo soo jeedinayo Shiikh C/raxmaan C/laahi Xaaji Dabcasar
Daawo
2

Aar Maanta's new music video
Saafi which means 'clear' in English, is a Somali song taken from Hiddo & Dhaqan; the forth coming album by Aar Maanta.
Watch - Daawo

5
Dua from Makka Al Mukaramah
Shiikh Sudais
Watch- Daawo
12

Nomad Boy
A Short Somali Film about the life of a young Somali Nomad boy in the 1960's

Watch


Copyright © 2006 Bartamaha Somali Media