______________________________________________________________________________________________________

AMAR MA DIIDO
Qaybta 1aad

2

Samatar Sooyaan

 
Bio

Samatar Sooyaan waa qoraa Soomaaliyeed oo degan dalka Maraykanka.
Buuggiisii ugu danbeeyay waxaa lagu magacaabaa Singal Maadar (Single Mother).
Halkan ka akhri qeybo ka mid ah buugga

Click Bio tab to close this panel

Tiirarka lagu udbo gunta iyo aasaaska bulsho caafimaad qabta waxaa ka mid ah kala-danbeynta, is-maqalka, is-adeecida, iyo kala amar qaadashada. Waxa kale oo ka mid ah wada tashiga, doodaha caafimaadka qaba, is-dhaafsiga afkaaraha kala duwan, iyada oo meesha laga saarayo, shakhsi naceyb, qabileysi, xanaaq, amar-diido, gacan-ka-hadal iyo iska hor-imaad, islamarkaanna si wada jir ah loo qaato go’aan loo arko inuu u adeegayo danta guud ee bulshada. Sidoo kale, horumarka ay bulsho ama ummadi gaarto, waxaa lagu qiimeeyaa, oo daliil cad u noqon kara sida ay bulshadaasi ama ummadaasi u qiimeyso, ula dhaqanto, una xanaaneyso dadkeeda daciifka ah ee bulshada ku tiirsan: sida loola dhaqmo dadka curyaanka ah, ee u baahan taakulada, haweenka, carruurta, dadka waaweyn ee tabarta daran. Dhammaan qodobadaasi waa inta ay bulshada Soomaalidu ka aradan yihiin.
Dib u milicsi gaaban haddaan ku eego siddeed iyo tobankii sanadood ee la soo dhaafay Soomaaliya waxaa ka socday dagaalo ba’an oo lagu hoobtay. Dagaaladaasi oo intooda badan u dhaxeeyey qabiilo walaalo ah, haddana waxaa sutida u hayey, oo ay intooda badan qabiiladaasi ka amar-qaadanayeen, kuna ay socdeen amar ka yimaada rag dano shakhsiyadeed oo gaar ah watay, iyagoo huwan magaca qabiilka ay ka dhasheen. Arrinta u baahan in si hufan loo gorfeeyo haddaba waxay tahay 18kii sano ee la soo dhafay, wixii dad ku dhintay dagaalada sokeeye ee Soomaaliya, welina ay ku dhimnayaan, ha noqdeen dhalinyaro qori loo dhiibay oo la soo qalday ama dad shicib ah ama xataa wixii hanti halkaas ku burburay, waxaa sal u ahaa qaadashada go’aamo qaldan iyo adeecida ama u hoggaansanka amar iyo farriimo qaldan oo ka yimid dagool-oogayaasha bili-liqaysiga ku haystay, welina ku haysta Soomaaliya, iyagoo taageero ka helaya qaar ka mid ah oday dhaqameedayada beelaha ay markaas magacooda huwan yihiin.
Halkan waxaan ku gorfaynayaa, anigoo cuskanaya dhaqanka iyo hiddaha soo-jireenka ah ee ummada Soomaalida iyo aragtida guud ee uu dhaqanka iyo hiddaha Soomaalidu ka qabo adeecida amarka ama u hoggaansanka amarka. Ha noqdo amarkaasi mid ka yimid hoggaanka dhaqanka, dagaal-ooge, waalidka, macallinka dugsi quraanka, barraha dugsiga, dadka jaarka ah iyo in kale oo badan.
Waxa kale oo aan u kuur-galayaa aragtida saynisyahanada qaarkood ay ka qabaan waxa keeni kara ama u sabab noqon kara in qofka aadamiga ah uusan sameyn wax amar diido ah ee uu u dhega-nuglaado, iska raaco, una hoggaansamo amarkii la faro, xataa haddii amarkaasu yahay mid dhibaato u geysan kara bulshada. Intaa waxaa dheer, dhibaatadu ma aha qaadashada iyo adeecida amarka ee dhibaatadu waxay tahay in aan la isweyddiin amaba dadka amarka la siiyey aysan isweyddiin, kana doodin faa’iidada iyo khaasaraha ka dhalan kara amarka la ajiibay ee weliba horay looga dhaqaaqo.
Amar u baahnaa in la isla-gorfeeyo, lana derso cawaaqab xumada uu ku reebo karo bulshada, lagana yaabee inuu yahay amar u baahan in laga dhiidhiyo, kana yimid hoggaamiye ay muuqato hoggaankiisu inuu qaldan yahay ama amarka uu hoggaamiyahaas baxshay uu ummada u horseedi kara baabb’a iyo bur-bur, balse weli loo hoggaansamayo, lana tix-gelinayo, iyadoo aysan jirin cid ka soo hor jeesata amaba ku gacan sayrta. Haddii ay jiraan shakhsiyaad gaashaanka u daruura hoggaankaas qaldan, amaba diida in ay u hoggaansamaan amar ula muuqda in uu qaldan yahay, bulshadana u keeni kara dhibaato weyn inta badan dadka waa lagu kacaa ama la dilaa, la cayriyaa, lana faquuqaa.
Maxay haddaba ku dhacday, in ummad leh wax-garad, aqoonyahano, sheekh, indheer-garad, suuganyahano, filasoofiyiin in ay si buuxda uga amar qaataan gacan-ku-dhiigle, calooshii-u-shaqeyste, maan-gaab, dagaal-ooge ay u badan tahay maskaxda inuu ka buko, dhiig-yacab, ay horay u arkeen waxa uu gudo iyo waxa uu galaba? Maxaa u diiday odayada beesha, indheer-garatada, aqooyahanada, wadaadada iyo ciidankaba in ay ninka qaldan ku soo rogaan amar-diido qayaxan? In ay si bareer ah u diidan amarka ka yimaada hoggaanka qaldan? Maxay beel dhan si hagar la’aan ah ugu taageertaa hoggaamiye qalloocan, una horseedaya bur-bur iyo baabb’a? Maxaa ka qaldan beesha ama qabiilka amaba xataa jufada uu ka dhashay dagaal-oogaha ama hoggaamiyaha qallooca oo u diidaya in ay is-hortaagaan, iskana qabtaan, kana hortaagaan hoggaamiyahooda qaldan? Maxay tahay sababta keenta in ay dad aad u tiro yar ay ka soo horjeestaan, kuwaasoo laga eryo qaybtii ay ku lahaayeen bulshada ay ka dhasheen, lagana duudsiyo codka ay dalkooda iyo dadkooda ku leeyhihiin, iyagoo inta badan loo arko rag u adeega cadowga, halkii looga baahnaa in laga baaraan dego afkaartooda ku saleysan amar-diidmada qayaxan oo ay kaga soo horjeesteen hoggaamiyaha qaldan.?
Dhiig-yacabkii Hitler kumaan kun oo Jarmal ah ayuu ka dhaadhacsiiyey in la laayo Yuhuuhda, islamarkaana ay bannaant tahay in maalkooda la dhaco. Farriintii Hitler dadka Jarmalka intooda badan waa ka dhaadhacday waana ku raaceen, marka laga reebo dad aad u tiro yar ma ahee. Ciidamadii Maraykanka ee dibin-daabyeeyey maxaabiistii maganta u ahaa, kuna jiray gacantooda, iyagoo ku xareysnaa xabsigii Abuu Gareyb, cid ka dhiidhisay lama arag dullinimadii iyo jir-dilkii maxaabiista lagu hayey, iyagoo intooda badan adeecay ciqaabtii loo gaystay maxaabiista, si cadna uga qayb qaatay fal xumadii lagula kacay maxaabiistii Ciraaqiyiinta ahaa ee ku xareysnaa xabsigii Abuu Gareyb. Sidee ku dhacday in ciimadii in xabsiga ilaalinayey laga waayo nafar sameeya amar-diido cad, oo uu kaga danqanayo silic-dilkii iyo jir-dilkii maxaabiista lagu hayey? Hadduu jira askari ka soo hor jeestay dhibaatadii maxaabiista lagu hayey, maxay ku dhacday inuu fikirikiisa iyo dareenkiisa la dhuunto?
Sooyaal ahaan, kolka dib loo eego, dhiigya-cabyadii, dagaal-oogayaashii dunida soo maray sida Hitler (Jarmal), Botha (Koonfur Afrika), Iidi Amiin (Yugaandha), dagaal-ooge Bin Laadin (Sacuudi), taliyihii ciidanka ilaalada xabsiga Abu-Garayb ee dalka Ciraaq iyo dhammaan dagaal-oogayaasha Soomaaliya iyo in kale oo fara badan amarka ay baxshaan, ha naqdo amar milateri oo lagu weerarayo dhul ama dad kale ama ha noqdo amar siyaasadeed ee lagu minjo-xaabinayo bulsho kale waa ay u suurta gashay, waana u hirgashay, waxaanna amarkooda qaldan si daacad ah ugu hoggaansamay, una fuliyey dad adeecaya amarkooda. Dadkii tirada yaraa ee gaashaanka ku dhuftay amarada qaladka ula muuqday ee ka yimid hoggaamiyayaashaas qaarna waa la dilay, qaarna waa la takooray, in kalana waxay lunsadeen ma aha oo keliya jagooyinkii ay hayeen, balse waxay lunsadeen meeqaankii ay ku lahaayeen bulshada dhexdeeda, waxayna naftooda ula baxsadeen qaxootinimo iyo dhul shisheeye si ay naftooda u bad-baadiyaan. Waxa kale oo ay lunsadeen in kale oo ka mid ah qoysaskoodii iyo eheladoodii ay jeclaayeen.
U hoggaansanka amar ama amar-adeecidu waxaa lagu qeexaa macnaheeda oo kooban: ”U hoggaansanka si hebednimo leh ama u adeecida si hebednimo leh, amar ka yimid qof kale ama dad kale. Qofkaasi wuxuu noqon karaa hoggaamiye ama qof derejo ku dheer oo aad ka amar qaadato, sida tusaale ahaan barraha ardayda u dhiga dugsiga; taliyaha ciidanka, aabbaha ama hooyada qoyska…” Adeecida-amar ama amar-u-hoggansanku (obedience) wuxuu kaga duwan yahay ereyada qaarkood ee la xiriira nolosha, dhaqanka iyo ficilka bulshada, waa amar la baxshay, oo uu qofku u hoggaansamayo ama adeecayo, kana danbeynayo, una fulinayo sida la faray, isagoo aan wax caabbin ah ama ka-soo-hor-jeesasho ah uusan qofku sameyn.
Aqoon ahaan, waxaa si cad loo muujiyey in xayawaanka qaarkood loo tababbaro, lagana dhigo xayawaan u hoggaansama amarka la faro, oo weliba daacad u ah qofka hadba ku ababbiya ama ku rabaayadeeya waxa uu doonayo xawaankaasi inuu noqdo. Tusaale ahaan eeyda qaarkood waxaa lagu ababbiyaa in ay noqdaan kuwa wax dila, xoogna wax ku soo ugaarsha.
Qaar kale oo ka mid ah eeyda waxaa iyagana lagu ababbiyaa in ay noqdaan kuwa naxariis leh oo u adeega bulshada, sida tusaale ahaan dadka indhaha l’a, dadka waaweyn ee keligoodno nool. Sidoo kale bisadaha, shimbiraha iyo weliba xataa xayawaanka duur-jooga ah qaarkood sida libaaxa, shabeelka, maroodiga iyo kuwo kale oo fara badan waxay noqdaan xayawaan adeeca, una hoggaansama amarka milkiilaha iska leh. Waa amar ma-diido.
Dhammaan xayaawanada duur-jooga ah iyo kuwa dugsi jooga ahba ee uu bina-aadamku bar-baariyo hal wax bay ka siman yihiin: adeecida amarka hadba qofka hoggaanka u sida ama bar-baariya. Sidee noqon karaa bina-aadamka had iyo goor lagu bar-baariyey inuu u hoggaansamo, adeeco amar ka yimaada qofka u taliya amaba haya jago ka sareysa? Qofka aadamiga ah ma leeyahay geesinimo iyo kelya-adayga uu kaga soo hor-jeesto amar ka yimid taliyihiisa (aagaasime, madaxweyne, hor-jooge, hoggaamiye iwm), amarkaas oo uu qofku u arko inuu yahay mid dhibaato weyn u keeni kara bulshada oo dhan ama dad gaar ah?
Eeyga ay booliisku tababareyn ama ababbiyeen wuxuu had iyo goor raacaa amarka uu siiyo sargaalka booliiska ah, wuxuuna soo qabtaa wixii loo diro. Sidaa si la mid ah, nafleyda hobbobborada waxay si raxmad leh, oo daacad ah ugu hoggaansantaa amarka qofka ababiya.
Suurtagal ma noqon kartaa in eeyga ama hobbobborada (dolphin) ama bisadaba ay ka soo hor-jeestaan qofkii bar-baarshay, oo aysan u hoggaansamin amarka qofkaas, hadduu siiyo amar ula muuqda wax ka baxsan maskaxdooda kooban iyo dareenkooda? Dabcan waa may, oo waa iska cadahay maxaa yeelay xayawaanku ma laha maskax mugeedu cabbiro karo, kala shaandheyn karo waxa la faray in waxaasi yihiin wax xun iyo wax fiican.
Waa sidee haddaba askariga ka amar qaata taliyaha ciidanka? Waa sidee carruurta iyo dhallinyarada daacada u ah, laguna soo koriyey noloshooda oo dhan u hoggaansanka amarka ma aha amarka waalidkii dhalay oo keliya, balse waxaa laga dhaadhiciyey in ay raacaan amar kasta oo ka yimaada tolka, deriska, qaraabada, odayada, habraha iwm? Intee in le’eg ayuu u hoggaansanka amar la siiyey ama adeecida amar ka yimid hoggaanka kooxda (Gang leader) ayey saameyn ku leedahay ama ku yeelan kartaa dhallinyarada Soomaalida ee Minasoota isku laynaya? Maxay ku sugnaan karaan oday-dhaqameedyada u hoggaansama, adeecanna amarka iyo hoggaanka qab-qablayaasha Soomaaliya ee mar welibana si daacad ah ugu hoggaansama dagaal-oogayaasha wax dilaya, kufsanay, dhacaya, bili-liqaysanaya ama amar ay baxsheen awgeed lagu fulinayo amaba lagu fuliyey falal ka baxsan bina-aadanimada? Maxaa ka hor taagan, una diidan in talada la ruugo, laga baaraan-dego, ka dibna ay odayaasha qabiilka ama qaybaha kale ee beesha ay arkaan laaxanka qar-iska-tuurka ah oo ay beesha saameyneyso?
Tusaale kale oo si cad u muujinaya u hoggaansanka iyo adeecida amar qalloocan, oo aan wax amar-ma-diido ah laga sameyn waxaan ka dheehan karnaa dhacdadii foosha xumeyd ee bishii Nofeembar, 2008 ka dhacday Kismaanyo. Alle ha u naxariistee, Caa’isha-Luul Ibrahim Dhuxulow oo ku shahiiday gacan-xaqdaro ah waxaa si aan xaq aheyn, kana baxsan bina-aadanimada loogu qisaasay magaalada Kismaanyo. Caa’isha qaybta danbe ee jirkeeda waxaa lagu aasay god dheer, ka dibna waxaa lagu xabaalay ciid, si aysan wax dhaq-dhaqaaq ah u sameyn. Qaybta hore ee jirkeeda, gaar ahaan madaxeeda ayaa bannaanka la soo dhigay, ka dibna waxaa madaxaga iyo wejiga lagala dhacay dhagxaan ilaa ay nafta ka baxdo.
Amarkii gabadhaas saqiirka aheyd lagu dilay waxaa baxshay rag adeegsanaya magaca diinta suuban ee Islaamka, maxaa dhici lahaa haddii raggii fulinayey amarkii xaqdarada ahaa ee lagu dilay Caa’isha ay si geesinimo leh isu hortaagi lahaayeen amarkaas, iyagoo daacad u ah naftooda, dadkooda iyo diintooda? Maxaa boqolaalka hagoogan magaca “sheekh” ee isugu soo baxay dilka Caa’isha maskaxdooda ka qadshay amar diido ay kaga dhiidhinayaan go’aankaas qaldan?
Weyddiimo ay adag tahay in loo helo warcelin cad. Balse inta aanan isku dayin weyddiimahaas in aan u helo jawaabo fudud oo gaaban, waxaa quman in qoraalkayga aan haatan weeciyo dhinaca dhaqanka lagu bar-baariyo dhallaanka Soomaalida, ha noqdeen carruurta ku bar-baarta miyiga ama kuwa magaalada ku koraba.
La soco qaybta labaad
Samatar Sooyaan
[email protected]


Very Funny:-
Stealing the Qaad (Kat) Tree in New Zealand -
Geedka qaadka Sida loo Xado

Most Popular on Bartamaha
ali

Waraysi: www.Bartamaha.com waxaa u suurto gashay in ay waraysi rasmi ah layeeshan Dr. Ali Khalif Galaydh oo shaac ka qaaday in uu u tartamayo kursiga madaxweyne nimo ee dalka Soomaaliya. Daawasho wacan.Daawo 

seeking
Seeking Cure: A Somali Experience
A Short Video that explains Mental Health problems and how you should treat it. Video provided by ADAMH (Alchol Drug and Mental Health Board of Franklin County)
Language: English w/Somali WATCH
fadumo
Bartamaha One and One With Faduma Jamac Jibriil
Waxaa noo suurta gashay in aanu waraysi la yeelano faaduma jamac jibriil oo ah gabadh ku hawlan bad baadinta dhirta iyo daaqa hadan soo wada in ay dhisto dekado lagu wareejiyo xeebaha soomaalia Daawo
khayraad
Khayraadka Dhulkeena
Waa qeyb muhiim ah oo ka hadlaysa khayraadka iyo qeybaha uu u kala baxo dhulkeenu
Daawo
cabdinuur
Khudbad uu soo jeedinayo Cabdinuur Faarax Maxamuud

Daawo
election

Election Day Stories (Columbus)
Bartamaha asks Somali Americans how they voted and their experience at the polling places.
Watch - Daawo

dua
Dua from Makka Al Mukaramah
Shiikh Sudais
Watch- Daawo
election2
Election Day Stories (Columbus)
Bartamaha asks Somali Americans how they voted and their experience at the polling places.
Watch - Daawo

Copyright © 2006 Bartamaha Somali Media