______________________________________________________________________________________________________
Fikrad: Fannaanka iyo Siyaasiga: Midkee baa muhiimad badan ?
By Dayib Atto

Fannaaniinta Soomaliyeed waxaan ka fileynaa inay bulshada u noqdaan indho u tilmaama oo farta ku fiiqa manja xaabinta iyo marin habaabinta siyasiyiintu u maleegi karaan dadka iyo dalka, waana inaanay bulshada ku halleyn qalinka 'aqoonyahanka buurta fuushan', ee ay iyagu, fannaaniintu, isu arkaan inay yihiin aqoon yahaniinta kama dambeeynta ah marka laga hadlayo xogta runta ah iyo wacyiga dhabta ah ee ay bulshadu mar walba ku sugan tahay.

Doorka fannaanku muxuu yahay?

Marka loo fiiriyo dhaqankeenna buug akhrintu ay ku yartahay oo hadalka u badan, toban buug oo waaweyn oo aqoon yahanku ka qoraan arrimaha Somaalida, waxaa ka war dheeraada hal hees oo keliya oo ay fannaanaddu ka qaaddo arrimaha Soomalida, si fududna dhaqso ugu baaha bulshada darafyadeeda kala fog, loogana xusuusan og yahay.

Arrimaha aan kor ku xusay waxaan qalinka hoos uga jiidi anoo tusaale u soo qaadanaya fannaanadda Saado Cali.
Sida la xusuusan yahay Saado waxay qaadday sannadyadii sideetannadii heesta ku caan baxday magaca 'Land Kuruuser' (Land Cruiser), sida la wada ogyahay dulucda heestaasi waxay ahayd ka gilgilasho iyo dhaleeceen ku lid ah dhaqan fool xun oo markaa dalka ka socday.

Saado waxay heestaa qaaday markii la arkay madaxdii dalka oo deeqdii cunno ay dalal shisheeye ay qaaxootigii joogey Somaliya iyo dadka intiisa kaleba ugu soo gargaareen inta si bareera ah u xadaan ku wada iibsaday baabuurta xarragada ee Land Kuruuserka, iyada oo dalka intiisa kale ay markaa ka jirtey marxalad dhaqaale oo aad u adag.
Saado muddo dheer ayey fanka ku jirtaa, aniguse heestaa ayaan ku bartay welina ku xasuustaa.
Taasina waxay tusaale u noqonaysaa bilicda marka fannaanku ka soo hor jeesto maamul xumada iyo musuq-maasuqa dawladda.

 

Haddiiba ay noqoto in fannaanku ka heeso wax u dhow siyaasad, heestaa Saado oo kale ah ayaan ka sugeynaa, waayo cashar aan ka helno durbaan uu qof fannaan ihi u tumo nin siyaasi ah waxaa inooga filan bohoshii uu Caydiid ka tuuray fannaanadeenii weyneyd ee Magool (AUN).

Bohoshaas waa in fannaanku aad uga fogaado oo uu ogaado in fannanku ama fannaanaddu aysan qabiil lahayn, waayo fanku qabiil ma laha oo qof waliba waa kartida uu masraxa la yimaaddo, ilaa iyo haddana lama sheegin qof ay qabiilkiisu ka dhigeen fannaan, haddi hore la isugu dayeyna u maleyn maayo in kaasi uu meel fog gaarey.

Amiir Caamir ayaa hadda ah qof sida runta ah u fahmey doorka uu fanku ka ciyaari karo arrimaha bulshada, isaga ayaana maanta ah calan sidaha fanka Soomaliyeed, kartoonada uu sawiro waxay si kooban oo qosol-gariir leh inoo hor keenaan marxaladda guud ee ummadda Soomaliyeed meel kastoo ay joogto ku sugan tahay maanta.

Waxaan mahad u dirayaa abwan M.I.Hadraawi iyo sida gabaygiisii Dhulgariir uu noogu baraarujiyey inaan ka tagno oo iska tuurno dhaqanka foosha xun ee Soomalida ku kala takoora qabyaalad iyo isir raac nacasnimo ah, waxaan kaloo mahad u dirayaa fannaaniinta Soomaaliyeed ee go'aansaday inay ka fogaadaan taageeridda siyaasiyiinta ku loolamaya burburinta qaranka.

Waxaa kaloo xusid mudan hawsha wanaagsan ee ay Maryan Mursal iyo K'naan ka wadaan bandhigyada caalamiga ee fanka, iyaga oo mar walba dunida u soo ban dhiga dhaqanka Soomalida, dareensiiyana dunida inteeda kale xaaladda adag ee ay Soomaalidu maanta ku sugan tahay.


Most Popular on Bartamaha
Ahmed Ould Abdallah Speaks to Somalis in Minneapolis + Reactions
Watch

Nomad Boy
A Short Somali Film about the life of a young Somali Nomad boy in the 1960's

Watch

Videos:
Vigilante Films Cops Breaking The Law In New York Watch

Nin fiidiyow ka duuba Askarta New York ee sharciga jabinaysa Daawo
20 Speakers, 3 Days and the best of our Youth. 1st Somali PHD and the author of our National Anthem and more...
Somali Youth Summit Videos
Watch
Photos:
Euro - Somali Summer Games
Ciyaaraha Xagaaga Yurub
Photos - Sawirro
Video:
Ciyaarihii Xagaaga USA (Minneapolis)
Somali Week Minneapolis
Watch
Daawo
Video shows interrogation of Canadian at Guantánamo Bay
Omar Khadr, 16 years old at the time..
Watch 9 Min Video

First Look
AMBAD
Trailers, Screensavers & Music Videos
only at Bartamaha.com

Video
Khudbaddii Jeneral A/lahi ILKAJIIR
Watch
Video
Gabay AFARREY
Watch
A rare interview of
former Somali prime minister & former Somaliland president.
9
Mahrajaankii Soomaaliya
Oktoobar 21keedii 1988
Watch Now

Copyright © 2006 Bartamaha Somali Media